Dhagaxa DAHAB ayaa ku hoos jira, laakiin…!!! (Qalinkii Khaalid Caskar)

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2019 – Mid ka mid ah boqorradii hore ee waddanka Shiinaha, ayaa waddada ku gooyay dhagax aad u wayn, si uu u tijaabiyo dadkiisa.

Fal-celintii dadka ayaa noqotay, sida ay haddaba samayn lahaayeen badi bulshooyinka xilligan nooli.

Qofkii ugu horreeyay ee soo mara ayaa noqday nin wayn oo taajir ah. Inta uu istaagay, ayuu isaga oo cadhaysan kor u qayliyay:

“Waa maxay mas’uuliyad darrada intan le’egi. Aan u tagno boqorka oo u sheegno in la raadiyo cidii sidan samaysay, si loo ciqaabo.”

Qofkii labaad ee soo maray ayaa noqday nin najaar ah. Wuu layaabay dhagaxa waddada ku go’an, balse, si ka dhaw oo ka hooseeysa sidii uu ninka ganacsada ahaa u hadlay ayuu u hadlay:

“Qof wanaagsan oo ducaysan muu ahayn qofka sidan sameeyay. Waxa uu ahaa qof xun!” Kaddibna wuu iska socday.

Cabbaar kaddib, waxa waddadii soo maray saddex dhalinyaro ah, oo ku jira marxaladdii ugu fir-fircoonayd ee nolosha, waa dhalinyaro. Waxa ay si jees-jees ah u yidhaahdeen:

“Edaab muu lahayn qofka dhagaxan wayn waddada ku gooyay. Waataa xaaladdii waddanku. Waa ayaan darro.” Kaddibna, socodkoodii ayay iska sii wateen.

Maalintii koowaad ayaa dhammaatay iyada oo uu dhagixii waynaa waddada ku gudban yahay. Maalintii labaad ayaa iyana idlaatay, Maalintii saddexaad ; waakan, waa nin BEEROOLE ah oo nolol deggan ku jira.

Inta uu istaagay oo joogsaday, ayuu bilaabay in uu dhagaxa waddada ka leexiyo, xataa hadday ku qaadanayso in uu dhagaxa bur-buriyo, si ay ugu fududaato hawsha dhagax duwistu.

Waxa se uu helay dad ku soo baydha, oo la bilaaba in ay dhagaxa waddada kala leexiyaan, waana ay ka LEEXIYEEN/DUWEEN dhagixii waddada.

Balse layaabe, NASIIB-WANAAGE, waxa dhagaxa hoostiisii kaga soo baxay, oo ay ka heleen: WASLAD DAHAB ah iyo warqad ay ku qorantahay:

“Ka socoto Boqorka, ku socoto qofka dhagaxan waddada ka baydhiyay. Tani (dahabka) waa abaal-marintaadii. Waxa aad tahay qof wanaagsan, oo in uu CABASHO MUUJIYO, ka door-biday in uu XAL KEENO!”

Maxaa kaaga baxay sheekadan?!

Waxaa Diyaariyey: Khaalid Caskar

Hadalsame Media