Xog anfacaysa Soomaalida Sabtiga sii mari lahayd garoonka Atatürk Airport (45 saacadood oo guuritaan ah)

0

(Istanbul) 04 Abriil 2019 – Sugitaankii dheeraa ee ka wada guuritaanka saldhigga cirka Turkiga ee ugu mudada dheeraa ee Atatürk Airport, iyo u wareegidda buuxda ee u wareegidda Istanbul Airport ayaa bilaabmay xalay 3-dii subaxnimo.

Guuritaankan oo qaadanaya 45 saacadood ayaa lasoo abyi doonaa in yar uun kahor saqda dhexe Sabtiga soo aaddan, haddii ay wax kasta qorshihii loo dhigay ku dhacaan.

Duullimaadyada ka bixi lahaa Atatürk Airport iyo kuwii iman lahaa Istanbul Airport ayaa la joojin doonaa maalintaasi muddo 12 saacadood ah, inta u dhaxaysa 2 a.m. iyo 2 p.m., sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga, Mehmet Cahit Turhan.

Atatürk International Airport, oo la furay 1953-kii sanadkii tegeyna ay mareen 68 milyan oo rakaab ahaa, ayaan wixii Sabti ka dambeeya lagu arki doonin duullimaadyadii caadiga ahaa. Waxaa loo yeeli doonaa shaqooyin kale sida tababarrada, carwooyinka dayuuradaha iwm.

Dayuuradda ugu dambeeysa ee ka duuli doonta Atatürk Airport waxay u shiraacan doontaa Singapore Sabtiga 2 a.m. [Abriil 6, 2300GMT].

Halka ay duullimaadyada Istanbul Airport ay si tartiib tartiib ah u kordhi doonaan wixii loo gaaro Sabti 2 p.m. Duullimaadka ugu horreeya kaddib guuritaanka wuxuu noqon doonaa mid u socda gegada Ankara ee Esenboğa Airport.

Turhan ayaa shir jaraa’id ka sheegay in iminka ay maalintiiba 1,300 oo dayuuradood ay ka duulaan Atatürk Airport, iyadoo sanadkii tegey ay ka duuleen 465,000 dayuuradood.

Isu gayn ahaan  sanadkii tegey, garoomada Atatürk, Sabiha Gökçen iyo Istanbul Airport oo qayb ahaan si rasmi ah loo furay bishii Oktoobar 29, ayaa waxaa maray 102.2 milyan oo rakaab ah oo isugu jirey duullimaadyo maxalli iyo caalamiba leh.

Hadalsame Media