”Waa beenloow doonaya inuu cunsuriyaddiisa TAALLO u dhiso!” – Ilhaan Cumar oo markale weerar ku qaadday Donald Trump

0

(Washington, DC) 04 Abriil 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku jirta Aqalka Wakiillada Koongarayska oo ku metesho Minnesota, ayaa sheegtay in waxa uu Trump derbiga uga dhisayo xadka koonfureed ee Marayakanka ay tahay cunsuriyad.

“Tani waa xaalad deg deg ah oo been ah! Donald Trump been buu ka sheegayaa xadka si uu u dhiso taalladiisa cunsuriyadeed,” ayay Cumar soo tweet garaysay.

Cumar ayaa ka jawaabaysey hanjabaad ka timi Trump oo sheegay inuu gebi ahaanba xirayo xadka koonfureed ee uu dalkiisu la leeyahay Mexico haddii sida uu yiri aan wax laga qabanin soo galootiga kasoo qulqulaya koonfurta iyo bartamaha Ameerika.

“Koongaraysku waa inuu si dhaqse ah isugu yimaadaa oo meesha ka saaraa dulduleellada xadka! Haddii aan tillaabo laga qaadin arrintaasi waan xirayaa xadka. Tani waa xaalad deg deg ah oo heer qaran ah!,” ayuu soo tweet gareeyay MW Maraykanku.


Hadalsame Media