Garoonka Tottenham oo guul lagu furay (Daawo sawirrada munaasabaddii furitaanka)

0

(London) 04 Abriil 2019 – Kooxda Tottenham ee dalkaasi Ingiriiska ayaa u guurtey garoonkeeda cusub oo ay ku maamuustay xaflad aan caadi ahayn kahor ciyaartii ay 2-0 dirtay kooxda Crystal Palace.

Spurs oo sidaa 3-aad uga xoogtey Arsenal, ayaa dhismaha garoonkan 22 bilood ka dhur sugaysey, iyadoo sidaa ku macasalaamaysey gegada White Hart Lane.

Garoonkan cusub oo la yiraahdo Tottenham Hotspur Stadium oo ah garoon casri ah ayaa lagu furay xaflad si qurxoon loo agaasimey.

Taageerayaasha Spurs ayaa loo sii sheegay inay soo hormaraan si ay u daawadaan bandhig 15-daqiiqo soconayay oo lagu maamuusayay furitaanka garoonkan cusub oo iminka ah midka EPL ugu casrisan.

Halkan ka eeg sawirrada…

Hadalsame Media