Warbixin hordhac ah oo sababta shilkii EA u jeedisey jiho gebi ahaanba cusub! (Arrin dhacday markii ay dayuuraddu kacaysey)

0

(Addis Abeba) 04 Abriil 2019 – Duullimaadkii nasiibka darnaa ee Ethiopian Airlines Boeing 737 Max ee ay ku dhinteen dhamaanba 157 qof oo saarnaa ayaa la sheegay inay sababsatay walax ama shimbir ku dhacday markii ay kacaysey.

Warbixin hordhac ah oo iminka soo baxday oo aanu helnay ayaa u dhigan in jugta shaygaas ama shimbirtaas dayuuradda ku dhacday xilligii kicitaanku ay kharribtay sheegaha (sensor) laga xakameeyo waxa loo yaqaanno xagal-weerarka (AOA) oo ah xagasha ka dhex samaysanta xagasha kacsan (marka ay dayuuraddu fuulitaan ku jirto), tan toosan (marka ay dayuuraddu siman tahay) iyo tan dhacsan (marka ay dayuuraddu hoobanayso), taasoo keentay in dayuuradda oo hoobad gashay lasoo celin kari waayo.

Cilladda ku timid sheegahan ayaa keentay inay dayuuraddu heshos xog khaldan oo keentay inay duuliyeyaashu damiyaan MCAS oo ah midka caadiyeeya inaysan dayuuraddu sanka kor ama hoos u taagin oo ay caadi u socoto, si looga hortago inay callaqanto (anti stall) iyo inay dhacdo.

Yeelkeede, sheegihii cilladaysnaa ayaa xog khaldan markale usoo diray, taasoo keentay inuu iskii isu shido MCAS-ku, isagoo si otomaatik dayuuradda u siiyay amar ah inay hoobato iyadoo ku socota xawaare aad u badan oo loogu tala galay joogga sare, sida ay ilo baarista ku dhowi u sheegeen ABC News.

Duuliyeyaashii ayaa wax kasta, oo ay ku jirto inay hab-gacmeed isticmaalaan, isku dayey si ay markale u hantaan xakamaha dayuuradda si ay sanka sare ugu soo qaadaan, balse isku daygoodaasi guuldarro ayuu ku dhamaaday – iyadoo ay dayuuraddu weji weji dhulka u quustay iyadoo god wayn dhulka ka qodday.

Warbixintan ayaa ka duwan wixii markii hore la hadal hayey oo ahayd in cilladdu ay iskeed uga bilaabatay MCAS-ka laftiisa, balse tani waxay arrinta u weecinaysaa dhinac kale.

Hadalsame Media