WEJI FURAN & FARXAD: Somalia oo kaalin fiican ka gashay dalalka ugu FARXADDA badan adduunka!

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2019 – QM oo qiimayn ku sameeysay Farxadda Adduunka ayaa soo saartay sida ay u kala farxad badan yihiin dadyoowga Afrika.

Qiimeyntan oo ay QM ka sameysay Maalinta Farxadda Caalamiga ah ee International Happiness ayaa lagu sheegay in Soomaaliya kaalinta 6-aad iminka kaga jirto guud ahaan wadamada ay dadkeedu ugu farxadda badan yihiin Afrika.

Soomaaliya ayaa guud ahaan taxa caalamiga ah ka gashay kaalinta 98-aad, taasoo aan xumayn marka la eego xaaladda uu dalkaasi ku jirey 30-kii sano ee tegey.

Wadamada Qaaradda Afrika ayaa kaalimaha 10-ka sare u kala galay sidatan: Mauritius, Libya, Algeria, Morooko, Nigeria, Somalia, Cameroon, Gabon, South Africa, Ivory Coast.

Yeelkeede, markii guud ahaan caalamka oo idil la eego 10-ka dal ee liiska hoos ka hoggaaminaya ayaa kala ah: Malawi, Haiti, Liberia, Syria, Rwanda, Yemen, Tanzania, South Sudan, Central African, Republic, iyo Burundi.

Qiimayntan oo lagu soo qaatay 156 dal oo caalamka ah iyadoo la adeegsanayo hab-raacyo ay ka mid yihiin xorriyad ku noolaanta iwm, ayaa waxaa kaalinta 1-aad dhanka farxadda kaga jirta Finland.

Hadalsame Media