Imisa KHALAD ayaa ku jira inay Booliisku dadka u soo bandhigaan sawir gaari ”qarax sida”?!

0

(Muqdisho) 04 Abriil 2019 – Ciidamada Amaanka gaar ahaan Booliiska dhexe ayaa soo saaray digniin ku aaddan inuu magaalada ku jiro gaari qarax xambaarsan.

Gaarigan oo ay booliisku sawirkiisa soo bandhigeen ayaa ah Landcruiser nooca dedan ah (Stationwagon) ee dufcadda Prado ee naftada ah.

Booliiska ayaa shacabka Muqdisho uga digaya gaarigaasi, iyagoo sidoo kale gacan waydiistey si ay ula soo xiriiraan haddii ay gaarigaasi arkaan.

Haddaba arrintaas ayaa aad loogu kala qaybsamay, iyadoo ay dad badani ku doodeen inay sideedaba khalad tahay in xogaha xasaasiga ah ee noocan ah shacabka lala wadaago, maadaama ay yeelanayso saamayn taban dhan kastoo loo akhriyo, balse waxaa kasii darnayd markii sawirku noqday mid Google lagasoo saaray, iyadoo ay dad ku doodeen inuu sambal ahaa.

Haddaba arag inta jeer ee ay khaldan tahay soo bandhigidda sawirkaasi:

WUXUU AHAA SAMBAL AMA TUSAALE?

Haddii ay Booliisku ay soo bandhigidda moodalkaasi oo ay ixtimaal ahaan dhici karto inay magaalada yaallaan noocyo badan oo ka mid ah waxaa ka dhalan karta in la weeraro gaari aan ahayn midkii hadafku ahaa illeen booliisku waxay soo bandhigeen moodal ee tilmaamo gaari khaas ah u gaar ah ma keenine, taasoo dhalineeysa dhib ka badan inta ay xallinayso.

Is waydii imisa qof ayaa magaalada xilligaa ku wadan kara gaari Landcruiser nooca dedan ah (Stationwagon) ee dufcadda Prado ee naftada ah? Waa su’aal aysan dabcan ka baaraan degin Booliisku.

WAXAY ULA JEEDEEN GAARIGII SAXDA AHAA?

Aragtidaasi oo markii hore sidaa loo fahmey xogta shacabka la siinayay oo aan kala caddayn ama siyaabo kala duwan loo fasiran karo ama loo fahmi karo waxaa ka muuqata laba khalad oo uu mid meesha ka baxay markii gaariga sawirkiisa Google laga helay.

Yeelkeede, khaladka kale ee soo noqnoqda wuxuu yahay in xitaa haddii ay Booliisku hayaan gaariga rasmiga ah iyo tilmaamihiisa aysan marna sax ahayn in shacabka loo bandhigo.

Sabab? Waayo qofka gaariga wataa nacas maaha oo waa qof wax dhegeysanaya haddii uu ogaado in ay sheekada gaarigu magaalada daadsan tahayna wuxuu bedelayaa qorshihiisii ama gaari kale ayuu ku wareejinayaa.

KHALKHAL AMAAN IYO IS DAR DAR!

Waxaa taa dheer in guud ahaanba magaaladii sidaa ku geleeyso cabsi guud oo xitaa saamayn karta ciidamada, waayo waxaa dadwaynaha u sheegtay inay magaalada wareegaalaysanayso ”MIINO SOCOTA”, taasoo ka dhan ah xeer kasta oo u degsan hab-raacyada amaanka lagu xasiliyo.

Shacabka gadaal ayaa xogta intii ay xaq u leeyihiin looga sheegi karaa markii hoowsha la qabto, iyadoo aan kaamirooyinka loo dhigaynin wax kasta oo la helo,balse xogtii shalay shacabka loo sheegay waa inay ku koobnaataan hannaanka & hay’aadka amaanka ku shaqada leh oo qura.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media