”Haddii uu i GUURSAN lahaa Madaxwayne ayuu noqon lahaa!”

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2019 – Obama iyo xaaskiisa ayaan maalin u nasasho tegay mid kamid ah hoteellada waaweyn ee lagu raaxaysto, markii ay gaareeen hoteelka ayuu milkiilaha meeshu si weyn usoo dhoweeyay, isagoo si gaar ah ula hadlayay Michel Obama aadna ula sheekaystay.

Markii ay ka soo dhaqaaqday ayuu Obama weydiiyay xaaskiisa muxuu ku lahaa ninkan hoteelka lihi? Waxayna ku jawaabtay “Wuxuu ahaa arday aanu jaamacadda wada dhigan jirnay wuxuu ii sheegay inuu doonayay inuu i guursado, laakiin taasi uu igula dhici waayay!

Obama oo la kaftamaya ayaa ku yidhi: “Haddii uu ku guursan lahaa, hoteelkan quruxda badan adiga ayaa yeelan lahaa!

Iyaduna si kalsooni leh ayay ugu jawaabtay “Haddii uu uu i guursan lahaa wuxu noqon lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maraykanka.

Xikmaduna waa in dumarku ay ragga iyagu gaadhsiiyaan heerka sare ee uu ku hamiyayo.
kolayba aniga madaxweyne Maraykan ayuun baa i guursan lahaa..!! ayay kusoo gabagabaysay MISS MICHELE.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media