Koongarayska Maraykanka oo u codeeyay qaraar ka dhan ah Sucuudiga!

0

(Washington, DC) 04 Abriil 2019 – Aqalka Wakiillada oo ay iminka aqlabiyad ku leeyihiin Xisbiga Dimoqraadiga ayaa u codeeyay qaraar soo afjaraya ku lug lahaanshiyaha Maraykanka ee dagaalka sokeeye ee Yaman.

Yeelkeede, xeerkaasi ayaa Diidmada Qayaxan kala kulmi kara Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump iyadoo uu Aqalka Cadi ku doodayo “inuu qabo walaac dhanka dastuurka ah.”

Aqalka ayaa sharcigaa ugu codeeyay 247-175 kaasoo Trump ku amraya inuu joojiyo ka qayb qaadashada Maraykanka ee dagaalkaasi muddo 30 maalmood ah, gaar ahaanna uu joojiyo taageerada farsamo iyo midda saanadeed ee Sucuudiga.

Koongaraysku “hadda kaddib iskama indha tiri doono waajibkiisa dastuuriga ah marka ay timaaddo siyaasadda arrimaha dibedda,” ayuu yiri Eliot Engel oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, Guddoona u ah Guddi Hoosaadka Aqalka ee Arrimaha Dibedda, isagoo sheegay in dagaalka Yaman oo 5 jirsadey uu u “baahan yahay hoggaan dhanka anshaxa ah.”

Qaraarkan ayaa dhirbaaxo ku ah Sucuudiga oo isu arka olog ku tashan kara taageerada Maraykanka, isagoo u godobaysan dalal badan oo Carbeed iyo kuwo Muslim ah.

Hadalsame Media