SAWIRRO: Libya oo toos u qaadday jidkii Somalia (Weerar ku wajahan caasimadda)

0

(Tripoli) 04 Abriil 2019 – Jeneraalka isu bedeley Hoggaamiye kooxeed ka taliya Bariga Liibiya, Khalifa Haftar, ayaa ciidamadiisa ku amray inay u ruqaansadaan dhanka caasimadda Tripoli, oo ah xarunta dowladda ay QM taageerto ee RW Fayez al-Sarraj.

Farriin cod ah oo uu ciidamadiisa usoo marsiiyey barta Facebook, Haftar ayaa ciidamadiisa ku amray “inay u dhaqaaqaan dhanka,” oo sida uu yiri ay caasimadda ka xorreeyaan “maliishiyada iyo argagixisada.”

Warkan ayaa imanaya saacado uun kaddib markii ay ciidamada u daacadda ah Xaftar ay qabsadeen magaalada Gharyan, oo 100km koonfurta kaga beegan caasimadda.

Xaftar ayaa sidoo kale wacad ku maray inuu sugi doono amaanka rayidka, ajnabiga iyo cid kasta oo isu soo dhiibta ciidamadiisa, oo uu ballan qaaday “badbaadada iyo amaankooda.”

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres, oo walaac ka muujiyey xaaladdan cusub ee Liibiya oo ka dhigan bilowda dagaal cusub oo furan, ayaa dhinacyada is haya ugu baaqay inay is xakameeyaan.

Arrintan ayaa uga sii dareeysa dalka Liibiya oo la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye, isagoo maraya xaalkii ay Somalia mareeysey horraantii 90-meeyadii.


Hadalsame Media