”Maraykanku ha kala doorto Ankara oo saaxiib ah & argagixisada!” – Turkiga oo Maraykanka siiyay jawaab middi ku taag ah!

0

(Ankara) 04 Abriil 2019 – Madaxwayne Xigeenka Turkiga ayaa u jawaabey dhiggiisa Maraykanka oo uu kala doorransiiyay inuu mid raaco jaal daacad ah oo NATO ah iyo argagixiso, kaddib markii uu Mike Pence uu Ankara u yeeriyey inay kala doorato F-35 iyo gantaalaha Ruushka ee Maraykanku ka boqo ee S-400.

“Maraykanku waa inuu kala doortaa. Ma wuxuu doonayaa inuu saaxiib la sii ahaado Turkiga mise wuxuu doonayaa inuu argagixiso garab siiyo oo uu sidaa halis ku geliyo amaanka saaxiib NATO?” ayuu waydiiyay MW Xigeenka Turkiga ee Fuat Oktay oo tweet uga jawaabaya dalabkii xag-jirka ahaa ee Mike Pence.

Shalay ayay ahayd markii uu Pence laba farood u taagey Turkiga oo horay u sii sheegay in aanu u habran doonin handadaadda Maraykanka isagoo yiri:

“Turkey waa inay kala doorataa inay doonayso inay sii ahaato jaal muhim ah oo ka mid ah isbahaysiga ugu guusha badan adduunka (NATO) ama inay doonayso inay halis geliso amaanka jaalnimadaas sida go’aanka qar iska xoornimada ah ee wiiqaya isbahaysiga NATO?,” ayuu Paence kusoo qoray Twitter-ka, kaddib markii uu khudbad isla noocaas ah ka jeediyay shirka NATO ee Washington.

Hadalsame Media