SAWIRRO: ”Turkigu ha kala doorto NATO iyo gantaalaha S-400” – Maraykanka oo digniin culus u diray Ruushka

0

(Washington, DC) 03 Abriil 2019 – MW Xigeenka Maraykanka ee Mike Pence ayaa ku hanjabey in inuu dood geli karo doorka uu Turkigu mustaqbalka ku yeelan doono xulufada NATO, kaddib wax uu ku sheegay “go’aanno qar iska tuurnimo ah,” oo uu dalkaasi gaarey sida ku adkaysiga iibsiga hannaanka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400.

“Turkey waa inay kala doorataa inay doonayso inay sii ahaato jaal muhim ah oo ka mid ah isbahaysiga ugu guusha badan adduunka (NATO) ama inay doonayso inay halis geliso amaanka jaalnimadaas sida go’aanka qar iska xoornimada ah ee wiiqaya isbahaysiga NATO?,” ayuu Paence kusoo qoray Twitter-ka, kaddib markii uu khudbad isla noocaas ah ka jeediyay shirka NATO ee Washington.

Yeelkeede, Turkey ayaa ku adkaystay inuu iibsanayo hannaanka Ruush sameega ah tiiyoo ay isa soo tarayaan digniinaha Maraykanka oo si hubkiisa uun loo iibsado NATO ka dhaadhicinaya inaysan is qaadan karin labada hannaan.

Wasiir Dibadeedka Turkey, Mevlut Cavusoglu, ayaa shirka NATO ka sheegay in heshiiska iibsiga S-400 uu yahay “heshiis dhacay.”

Cavusoglu iyo dhiggiiisa Maraykanka, Mike Pompeo ayaa la sheegay inay si gaar ah uga wada hadlayaan miigagga F-35 oo uu Maraykanku ku hanjabey inuu joojinayo haddii aanu Turkigu ka laaban iibsiga S-400, iyadoo lagu dirqinayo inay iibsadaan nooca u dhigma ee Maraykanka ee Patriot.

Hadalsame Media