XOG: Kenya oo loo sii sheegay dhanka uu u badan yahay go’aanka kasoo bixi kara Maxkamadda ICJ

0

(Nairobi) 02 Abriil 2019 – Kenya ayay khasab ku noqon kartaa inay Somalia siiso magdhow ku aaddan saliidda ay ka baartay dhulka ay ku murmayso ee xadka dhanka badda ah ee labada dal, haddii ay Somalia ku guulaysato kiiska hor yaalla Maxkamadda International Court of Justice (ICJ).

Somalia ayaa kiiskan Maxkamadda la tiigsatey, Agoosto 28, 2014 iyadoo ay Somalia rajo wayni soo gashay kaddib markii ay Kenya ku guuldarraysatay dood ahayd inaysan maxkamaddu xaq u lahayn ka gar niqidda kiiskan.

Kenya ayaa waloow ay iyadoo mareeysa Xeer Ilaaliyaha Qaranka ee Githu Muigai, gudbisey jawaabtii laga sugayay Diseembar 22, waxaysan marna ka hadal waxa ku qoran jawaabta oo ay isku difaacdey, sida ku qoran Sunday Standard. 

Khubarada ku xeel dheer shuruucda badaha ayaa se durba Kenya usii sheegay in kiiskan looga adkaan doono marka la eego qaabka loo xalliyey kiisas iyada oo kale.

Waxay khubaradu ku doodeen in nidaamka ay Kenya kiiskeeda ku salaysay — oo ah in la raaco jiitinta loolka — aanu marna ahayn nidaamka ay raacdo maxkamaddu marka la barbar dhigo doodda Somalia oo ah in toos loo raaco jiitinta xadka labada dal (equidistant line).

Sanadkii tegey, Prof Musili Wambua, oo ah khabiir ku xeel dheer Xeerarka Badaha ayaa sheegay in Kenya loo qiil samayn karo oo qura “haddii ay keento dood sharci ku fadhisa oo keeni karta in aan la raacin jiitinta xadka.”

Marka laga soo tago magdhowga ku waajibaya Kenya iyo badda ay sheeganaysey oo haddii ay waydo ka dhigaysa dal ku dhowaad bad-xiran ah (landlocked), waxay Somalia doonaysaa in loosoo gacan geliyo dhamaanba xogaha ku saabsan khayraadka dhulkaa ku jira ee ay Kenya gacanta ku hayso.

Hadalsame Media