Yurub oo ku tartamaysa saldhigga howlgal ka socda Somalia (Spain oo iminka UK kala wareegtay, Talyaaniga & Faransiiska oo mid isku qabsaday)

0

(Rota) 02 Abriil 2019 – Spain ayaa UK kala wareegtey taliska Howlgallada Atalanta, oo ah howlgal ay wadaan Ciidamada Midowga Yurub, kaasoo lagu sheego inuu burcad badeedda kala dagaallamayo xeebaha Somalia.

Admiraal xigeen Spanish ah oo lagu magacaabo Antonio Martorell ayaa xilka kala wareegey Sarreeye Guud Charlie Strickland oo ahaa abaanduulihii hore ee Howlgallada Atalanta, munaasabad ka dhacday saldhigga badeed ee Rota ee koonfurta Spain, halkaasoo ay sidoo kale saldhigtaan ciidamo badeed Maraykan ah.

Munaasabadda ayaa lagu beegay isla maalintii lagu wadey inay UK iskaga baxdo Midowga Yurub.

Strickland ayaa xafladda ka yiri: “Daacaddii waxay UK u tahay maalin murugo leh … balse waxay maalin farxadeed u tahay Spain. Atalanta waa wax ka wayn maraakiibta hoganaysa Badwaynta Hindiya iyo dayuuradaha ka duulaya.” ayuu yiri isagoo muujinaya muhiimadda Howlgalkan oo aanay Somalia wax badan ka ogayn, iyadoo la aaminsan yahay inay ilaaliyaan maraakiib kalluumaysi oo ay iyagu leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa bishii Luulyo ee kol hore waxay ku dhawaaqeen inay sidoo kale xarunta Atalanta, oo ay ka shaqeeyaan 101 qof kuna taalla Northwood, oo u dhow London ay u wareejinayaan Rota, Spain.

Yeelkeede, saldhigga ciidan ee Faransiiska ee Brest ayaa iyadana loo gartay xarunta Amaanka Badaha Afrika ee Maritime Security Centre of Africa kaasoo sidoo kale ku yaalley Northwood, waana saldhig ay sidoo kale Talyaanigu doonayeen.

MY ayaa Howlgalka Atalanta bilaabay 2008, iyadoo sheeganaya inay la dagaallamayaan burcad badeed Soomaaliyeed, iyadoo waloow ay weerarradaasi kasoo dheceen 176 weerar 2011 iyo 2 qura 2018, misna shaki wayn laga muujiyay cidda qalabaysay ama hagaysey burcadda macawisleeyda ah ee la sheegay inay maraakiib waawayn kasoo qabsadeen Badda fog.

Hilhiladka noocan ah ee quwadaha waawayn oo u baahan khayraad iyo macdan qeeriin iyo qaran la’aanta Somalia ayaa keeni karta in wax kasta laga filan karo ciidamadan oo sharciyaddooda la gaarsiiyay 2020, iyadoo aan waxba laga waydiinin Somalia oo aan xitaa laga caawinin inay dib u yagleesho ciidamadeedii badda.

Hadalsame Media