Ilhaan Cumar oo la daba dhigtay (Dacwad lacag lunsi ah oo laga gudbiyey!)

0

(Minnesota) 02 Abriil 2019 – Laba dacwo oo laga gudbiyay Wakiiladda Minnesota ee Koongarayska,  Ilhan Omar (D-Minn.) oo ku eedaysan inay ku tumatay xeerka maaliyadeed ee heer gobol markii ay ka midka ahayd xildhibaannada gobolkasi ayaa dib u eegay iyadoo go’aanka la sugayo.

Sanadkii tegey ee 2018, ayuu xildhibaan isla gobolkaa kasoo jeeda oo la yiraahdo Steve Drazkowski, oo Jamhuuri ihi wuxuu dacwad u gudbiyay Guddiga maxalliga ah ee maaraynta maaliyadda lagu ololeeyo.

Wuxuu Ilhaan ku eedeeyay inay si aan xeerka waafaqsanayn u khasirtay lacag dhan ku dhowaad $6,000 oo doollar oo sida uu yiri ay si gaar ah u isticmaashay, kuwaasoo ay ku jiraan kharashaad ay safarro iyo furriin u isticmaashay, sida uu yiri.

Dacwadda Drazkowski ayaa waxaa ka horreeysey mid kale oo Ilhaan laga gudbiyay iyadoo lagu haysto sida ay u adeegsatey lacag dhan $2,500 oo ay ku heshay kulliyado ay ka khudbaysay — taasoo lagu sheegay meel ka dhac dhanka anshaxa ah, iyadoo uu Drazkowski ku doodayo inay Ilhaan si aad ah ugu xad gudubto xeerarka gobolka.

Ilhaan Cumar ayaa wajahaysay weerarro kaga imanaya labada Xisbi ee ugu waawayn Maraykanka oo ay mid ka tirsan tahay, iyadoo lagu haysto dhaliil ay u jeedisey Israel iyo ururka AIPAC oo siyaasadda Maraykanka ka mawaadiic lama taabtaan ah, iyadoo ay arrintani taas qayb ka noqon karto.

Hadalsame Media