XIRFADDII XATOOYADA: Xildhibaan inta xoolihii umadda xaday la xiiqsan “Waa in la xisaabtamaa!” (Akhri 7-dan qodob)

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2019 – Weriye Dulyar ayaa soo xooriyey ilaa dhowr xaaladood oo muujinaya halka ay beeshay siyaasadda Somalia oo ku dhisan falsafad uu Daba-caddeeyuhu digaagga wacdiyo.

Haddaba arag dhowr qodob oo uu qoraalkiisa ku qaadaa dhigay:

1 – Xildhibaan dhul dowladeed dhacay baa ku doodaya Dalkaanu isla xisaabtan buu u baahan yahay.

2 – Taliye ama Wasiir hantidii loo dhiibay daaro waaweyn ku dhistay ayaa ku leh dalkaan wax looma qaban ee waa laga shaqeystay.

3 – Jeneraal iyo Gudoomiye Gobol oo isagoo boorso kaliya wata dibada ka yimid ayaa maanta Dabaqyo iyo Bullet Proof ku socda wuxuuna naleeyahay dalkaan musuqmaasuq baahsan baa ka jira hantidii umadana waa lagu takri falay.

4 – Wasiir kale iyo Xildhibaan kale oo in muddo ah boobka hantida hormuud u ahaa lana yaqaano waxey faleen ayaa ku doodaya Dowladaani waa aamin waxeyna la dagaashay hantidii shacabka ee la iska guran jiray.

5 – AgaasimeGuud oo shalay baadiye ka yimid oo aan aqoon laheyn oo 4 sano gudahood guryo iyo ganacsi bilaabay ayaa waxa uu ku leeyahay Walaalayaaloow dowladnimaa na deeqdee aan dalkeena u hiillino.

6 – Wadaad shalay lahaa Waxa madaxtinimada loogu soo wada ordayo waxaa la rabaa in dalka lagu dhaco,Ayaa hada naleh Dalka waxaa maanta madax ka ah kuwii ugu fiicnaa ee hala taageero dowladnimada.

7 – Kuwa shalay madaxdii hore meel cidlo ah ka ceyn jiray ayaa maanta markii madaxdaan wax laga sheeg hah kugu soo leh sidii inaad beer ka daaqday.

WARYAA TANOO KALE ARKAY.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media