SIRTA QARSOON: Maxay tahay sababta ay Sucuudiga, Turkiga, Qadar iyo Imaaraadku ugu dagaalsan yihiin Somalia?

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2019 – Waxaa socda herdanka maamulidda dekadaha ee meel ka mid ah bugcooyinka ugu nasiibka daran dunida: Soomaaliya, hadda waxa ay dhexda ugu jirtaa herdanka u dhexeeya Sacuudi Careebiya iyo Imaaraadka Carabta oo dhinac ah iyo Qadar iyo po Turkigu kaabayo oo dhinaca kale ah.

Waxa miiska saarani ma ahaan dekadaha dalka oo kaliya, balse waa dalka iyo degganaantiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Soomaaliya waxa ay ku jirtay dagaal sokeeye ilaa dhawr toban-sanaale, kahor dhawr sannadood intii aysan soo jiidan indhaha maalgashadayaasha caalamka.

Balse dagaalka diblomaasiyadeed ee ka socda Gacanka Carabta ayaa nadtiijo aaan wanaagsanay ku reebaya Soomaaliya.

Sanad kahor sharikad Imaaraadku leeyahay ayaa saxiixday qandaraas ku kacaya $336 milyan oo lagu ballaarinayo dekadda Boosaaso.

Wax ka yar sannad ka hor taasna, sharikad kale oo isla Imaaraadka laga leeyahay ayaa saxiixday qandaraas ku kacaya $440 milyan oo ay ku maamulayso dekadda Berbera oo uu ka taliyo maamulka iskiis gooni-isutaagga ugu dhawaaqay ee Somaliland.

Bishii Maarso ee sannadkaa Itoobiya ayaa heshay saami aan la shaacin qiimihiisa oo ay ku yeelanayso dekadda Berbera.

Dhanka kale, Turkiga oo xulafo dhow la ah cadowga Imaaraadka ee Qadar ayaa sii laba-laabtay dhawr bilyan oo ay Soomaaliya ku maalgashanayso.

Sharikad Turki ah ayaa dekadda Muqdisho maamulaysay tan iyo 2014-kii, halka sharikado kale oo Turki ihi dhiseen jidad, iskuullo iyo isbitaallo ay Muqdisho ka hirgeliyeen.

Herdanka ayaa sii labo kacleeyay tan iyo Juun, markii dalalka ugu xoogga wayn Carabtu ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen Qadar, ayaga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada iyo Iiraan.

Tartanka iyo is garbintaas ka socota Bariga Dhexe ayaa dabada ka riixaysa rabitaanka maamulidda Geeska Afrika iyo biyihiisaba, sida ay qabaan ganacsato, aqoonyahanno iyo saraalkiil Soomaali ahi.

Soomaaliya waxa ay deris la tahay marinka muhiimka ah ee saliidda adduunku marto dekadeheeduna waxa ay u adeegi karaan dalka bad-xiranka ah ee Itoobiya iyo dadkiisa 100-ka milyan ah.

Dalalka gacanku, waxa ay iyana xiriir diimeed iyo ganacsi la lahaayeen Soomaaliya kumannaan sanadood, laakiin xiriirkaas ayaa hadda cirka ku maqan.

La soco qaybta 2-aad…

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media