(Milano) 02 Abriil 2019 – Waxaa caawa fiidkii ballansan labada kooxood ee AC Milan vs Udinese, iyadoo kooxda hore doonayso inay kasoo kabato laba guuldarro oo ka dhex gashay guulo xiriir ahaa.
Dhanka Milan: Gattuso ayaa kacaaminaya shaxdiisa fadhiidka ah, isagoo lagu cadaadiyay inuu u rogo 4-3-1-2 oo uu muddo dheer ka madax adaygayay, Paquetà ayaana ka gadaal ciyaaraya Piatek iyo Cutrone. Waxaa la kaydiyay Suso, oo kulamadii ugu dambeeyay ilaa dhowr bilood kuble noqday.
Dhanka Udinese: Tudor ayaa waxaa ka ganaaxan Stryger Larsen iyo Sandro. Waxaa shaki ku jiraa Ekong, oo loo yeerey balse dhib qaba. Weerarka waxaa hal boos iskula dheggan Lasagna-Okaka.
KAYDKA LABADA KOOXOOD
- 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 20 ABATE, 33 CALDARA, 23 STRINIC, 17 ZAPATA, 21 BIGLIA, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 11 BORINI, 8 SUSO, 7 CASTILLEJO
- 88 NICOLAS, 7 PERISAN, 24 WILMOT, 13 INGELSSON, 3 SAMIR, 8 BADU, 15 LASAGNA, 14 MICIN, 91 TEODORCZYK
GANAAXAN
- –
- Sandro (1), Larsen (1)
AAN LA HELI KARIN
- Bonaventura, Conti
- Barak, Nuytinck
Hadalsame Media