Mustafa Cagjar oo magaca ”Soomaalida-Itoobiya” ka tiray Xisbiga maxalliga ah ee Gobolka Soomaalida & saxaafadda Itoobiya oo hadal haysa (Arag isbedellada)

0

(Jigjiga) 02 Abriil 2019 – Kalfadhiga 10-aad ee Xisbiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed ayaa weli ka soconaya Jigjiga, caasimadda Gobolka Soomaalida.

Shirkan oo Axaddii bilowday ayaa socon doonaa ilaa 3-da bishan oo berri ku beegan, waxaana isbedello lagu sameeynayaa guud ahaanba qaab dhismeedka Xisbiga.

Waxyaabaha soo kordhaya waxaa ka mid ah in Xisbigan oo uu hoggaamiyo Axmed Shiddo, Guddoomiye Xigeen looga dhigo Mustafa Cagjar, MW maamulka Gobolka Soomaalida, oo aanu awal xubin ka ahayn.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay astaan cusub iyo magaca oo laga reebay qaybtii sheegaysay ”Soomaali Itoobiyennimada”, iyadoo iminka lagusoo koobay Xisbiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed ama Somali Democratic Party (SDP), lana xooray magacii Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida Itoobiya ama Ethiopian Somali People’s Democratic Party (ESPDP), sida lagu qoray AS.

Cagjar, MW Gobolka Soomaalida iyo Shiddo oo isagu ka tirsan xukuumadda dhexe ee Itoobiya ayaa isku dhacay horraantii sanadkan, iyadoo Cagjar uu Shiddo ku eedeeyay inuu qas, khiyaano iyo hagardaamo ka wado gobolka, balse waxaa arrintooda kusoo baxay RW Abiy Ahmed oo u sheegay inay diiradda saaraan horumarinta gobolka, wixii markaa ka dambeeyayna waxaa la sheegay inuu xiriirkoodu soo hagaagayay, waxayna iminka kala noqonayaan Guddoomiye iyo ku xigeenka Xisbiga SDP.

Cagjar ayaa horay markii uu xilka qabsadayba magaca Itoobiya ka saaray magaca ismaamulka Soomaalida.


Hadalsame Media