SAWIRRO: Nin Soomaali ah oo laga gartay niman AFDUUB hubaysan ka gaystey Toronto (Kuwa kale oo Soomaali loo badinayo & astaamohooda)

0

(York) 02 Abriil 2019 – Booliiska degmada York oo ka tirsan magaalada Toronto ayaa bar bartay mid ka mid ah 4 qof oo lagu tuhmayo afduubka Wanzhen Lu oo ku nool Markham oo hoos tagta isla York.

Lu ayaa habeennimadii Sabtigii laga qafaashay meel gawaarida la dhigto oo gurigiisa ku ag taalla waxaana qaatay 3 nin oo ku hubaysnaa maanseeyaha taser-ka, halka uu nin 4-aad ku sugayay gaariga.

Waxaa laga helay Gravenhurst shalay oo Talaado ahayd isagoo dhaawacyo yar qaba. Lu ayaana dib ugu laabtay Markham oo ay ku sugan yihiin qoyskiisa oo kasoo duulay Shiinaha.

Dembi baarayaasha ayaa iminka dareenkooda u weeciyay raadinta afarta la tuhunsane.

Booliiska ayaa sheegay inay ku jiraan dumitaan ciidan iyo xog ururin si loo soo xiro eedaysanayaasha oo ay ku tilmaameen “kuwo hubaysan oo halis ah.”

Nin Soomaali ah oo la yiraahdo Abdullahi Adan, 37 jir, isla markaana reer Toronto ah ayaa ah qofka ilaa iminka la bar gartay, wuxuuna ku eedaysan yahay afar xisaabood oo kala ah; afduub, hub waxyeello lagu gaystey iyo qafaal khasab ah.

Waxaa ninkan laga gartay kaamirooyinka amaanka (CCTV), halka 3-da kale aan weli si saaxi ah loo garan balse waxay leeyihiin astaamahan:

Three others have not been identified but are described as the following:

1 – La tuhunsanaha 1-aad waa lab xigan maasgaro, jiinis iyo jaakad buluug ah.

2 – Waa nin madoow oo caato ah, dhererkiisu waa qiyaastii 6 cagood iyo hal inji, wuxuu xiran yahay jaakad madoow oo ah nooca Canada Goose.

3 – Wuxuu xiran yahay jaakad iskugu jirta midabbada cagaarka iyo jaallaha (hurdi) oo madax dabool leh (hood).

Waxay u badan tahay inay afartuba Soomaali yihiin, sida ay sheegayaan warar maxalli ihi.


Hadalsame Media