DABA-GAL: Sucuudiga & Imaaraadka oo ku CEEBAYSAN fal ay ka sameeyeen dalka Yaman + Sawirro & Muuqaal

0

(Tacis) 02 Abriil 2019 – Al Jazeera ayaa muuqaallo gaar ah oo muujinaya inay carruur askar ahaan u adeegsadaan ciidamada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dagaalka ka wada dalka Yaman.

Carruurtan oo uu faqri ba’ani nugleeyay ayaa loo adeegsadaa inay ka garab dagaallamaan kuwa Sucuudiga si ay iskaga dhigaan kooxda Xuutiyiinta, oo ah jabhaddii dardartay Sanca iyo qaybo badan oo ku yaalla Woqooyi Galbeed Yaman ka mid ah 2014.

Sanadkii xigey ee 2015, Sucuudiga Carbeed iyo Isu Taga Imaaraadka (UAE) ayaa sameeyay isbahaysi looga gol lahaa inuu tuuro Xuutiyiinta, taasoo Yaman gelisey dagaal sokeeye oo lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamada dowladda la aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta, isla markaana gacan hoorsi badday 80% dadka dalkaasi oo 24 milyan ah oo iminka macluulsan.

Carruurta waxaa u dheer dhib iyaga u gaar ah oo waa xaabada dagaalka, sida ay sheegtay QM, 3 meelood oo 2 meel dagaalyahannada Xuutiyiintu waa carruur, halka inta kale ay u dagaallamaan isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo.

Waloow ay Yaman iyo Sucuudigu saxiixeen cahdiga caalamiga ah ee mamnuucaya carruur askaraynta sanadadii 2007 iyo 2011, sida ay u kala horreeyaan, misna Sucuudiga ayaa iminka loo haystaa inuu ciidameey carruur uu ka keenay ilaa gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan si ay uga dagaallamaan dalka Yaman.

Waxaa kale oo la ogaadey, inuu Sucuudigu qorto carruur Yamaniyiin ah si ay u difaacaan xadka Sucuudiga.

Carruurtaas oo u badan da’da 15 ilaa 16 jir ayaa lagusoo xera geliyaa inay qabanayaan shaqooyin kale, sida Axmed Naqiib oo lagu xera geliyay inuu jiko ka shaqaynayo, balse iminka kasoo baxsaday.

Hadalsame Media