Ciidamada Qalabka Sida oo fashiliyay qarax lagu tilmaamay ”midkii abid ugu waynaa ee Somalia lagu diyaariyo!”

0

(Shabeellaha Hoose) 02 Abriil 2019 – Ciidamada Xoogga Dalka ee Somali National Army (SNA) ayaa la sheegay inay fashileen weerar halis ahaa oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho, sida ay saaka sheegeen saraakiil ka tirsan DF.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ciidamada SNA ay qabteen gaari wayn oo booyad ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay sheegtay Xinhua.

Gaarigan oo qarada qaraxyada uu wadey lagu qiyaasay mid kaba xoog badan qarixii Soobbe ee lagu waxyeelleeyay dad rayid ah oo markii la isku daro 2 kun gaaraya ayaa lagu qabtay tuulada Sabid, oo ku taalla Shabeellaha Hoose.

“Waxay argagixisadu qorsheeynayeen weerar qara wayn, balse waxaa fashilay geesiyaasha oo sidoo kale dhowr nin soo xirey,” ayay tiri Wasaaradda Warfaafinta oo war soo saartay.
Ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya, in walxaha qarxa ee la qabtay ay ahaayeen kuwii ugu waynaa ee ay abid samayso kooxdan Al Qaacidda lala xiriiriyo ee Al Shabaab, wuxuuna bartilmaameedku ahaa Muqdisho oo ay weerarradu inta badan rayidka ku wajahnaayeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ciidamadu dib u qabsadeen tuulada Sabid oo 40 km koonfur bari kaga toosan Muqdisho.

Hadalsame Media