DAAWO: Turkiga oo u weecan doona dayuuradaha Ruushka ee Su-35 haddii uu Maraykanku u diido kuwa F-35 (Salka muranka)

0

(Ankara) 30 Maarso 2019 – Washington ayaa halis ugu jirta inay ka samirto suuqa hubka Turkiga haddii ay ka caga jiiddo inay Turkiga usoo daabusho dayuuradaha F-35 oo ay horay ugu heshiiyeen maamulka Ankara, iyadoo uu Turkigu u weecan doono dhanka Ruushka, sida uu sheegayo hilinka RT.

“Hadii uu Maraykanku ku guul darraysto inuu Ankara usoo raro dayuuradaha ay ka dalbatay, waxay Turkigu iibsan doonaan dayuuradaha Su-35 ee Ruush sameega ah,” ayuu yiri Viktor Litovkin, oo ah nin falanqeeya arrimaha ciidamada oo u warramayay wakaaladda TASS.

”Hubka Maraykanka suuq la’aan ayaa ka qabsanaysa dhanka TurkigaT.”

Dayuuradaha F-35 iyo Su-35 ayaa leh baxaalliyaal la is barbardhigi karo, sida uu qabo Litovkin, oo intaa raaciyay in Moscow aysan sidaa ku huraynin xog tiknolojiyadeed maadaama ay adag tahay in la jabsado software-ka ay ku shaqeeyaan dayuuradaha F-35.

Maraykanka ayaa Ankara uga caroodey dalabka hannaanka daafaca gantaalaha dhul-ka-cirka ah ee S-400, isagoo ku hanjabey cunaqabatayn iyo in aanu ka iibin doonin dayuuradaha F-35, taasoo ay Ankara ku gacan sayrtay.

Turkiga ayaa u baahan gantaalaha S-400 oo ay Ruushka uga dalbatay 2.5 bilyan oo doollar, waxayna bartilmaameed kasta oo xawaare badan ka dili karaan 400km, iyadoo qaybta 1-aad loosoo daabulayo sanadka xiga.

Ankara ayaa baahidaa dareentay kaddib markii uu Maraykanku halkaa ka rartay daafacii gantaalaha Patriot oo yaalley meel u dhow xadka Turkiga-Suuriya 2015.

Hadalsame Media