Wararkii ugu dambeeyay ee shilka xarunta Universal TV

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas ka dhacday xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Sida uu Hadalsame xogta ku helayo, waxaa goobta saaka tegey ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Banaadir ee Munashiibiyada oo hubaysan, kuwaas oo la sheegay inay canshuur doon ahaayeen.

Waxaa la sheegay in ay wada hadleen booliiskii iyo ilaaladii TV-ga Universal, kaddib dood muddo yar socoteyna waxaa xigtey rasaas dhacday oo aan weli naloo xaqiijinin cidda bilowday.

Waxaan se ilo goobta ku dhow ka helnay war sheegaya in la isku qabtay ”canshuur keena iyo keeni mayno!”, iyadoo la isku khilaafay qaabka.

Ciidamada millateriga ah ee ilaalada Madaxtooyada ayaa deeto goobta kusoo baxay waxaana la sheegay inay qabqabteen booliiskii, halka ay ilaaladu goobtoodii shaqo ku hareen.

Sida aannu kasoo xiganney dhanka Universal, cidina waxba kuma noqonin shilkan.

Hadalsame Media