GOLE SHACAB & MID SACAB midna ma ihidine waxaad tihiin sheega?

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2019 – Kaddib dhicitaankii Dowladdii caskariga ahayd waxaa xigtey DKMG ahayd ee iyaduna iska burburtay kaddib markii ay dalka ka badbaadin waydey dagaal sokeeye oo uu galay.

Wax dowlad lagu tilmaamana waxaa xigtey middii Cabdi Qaasim oo la dhisay 15 sano kaddib taasoo iyaduna kici wayday.

Yeelkeede, iminka oo dowladdaas 19 sano iyo 4 dowladood laga joogo waxyaabo badan oo dhanka hay’aadka dowladda ah ayaa wax nidaam u eg iyo muwaafaqo yeeshay.

Tusaale ahaan, mar bay jiri jirtey ay Golaha Wasiirrada iskula jiri jireen wasiirro uu midba wixii uu doono iskaga hadlo oo aanu jirin qorshe iyo qoonde ka dhexeeysa, balse ugu yaraan iminka hal weji ayay leeyihiin, adeegyo badanba yaysan bixine.

Ha yeeshee, meesha ay sartu weli ka qurunsan tahay waa Baarlamanka Dhexe ee dalka oo ah hay’ad ay saaran tahay mas’uuliyad xasaasi ah, balse u muuqata mid ay ka buuxaan dad aan garan karin culayska mas’uuliyadda saaran.

Tusaale ahaan, saaka waxaa baaqday kalfadhi uu yeelan lahaa Baarlamanku oo looga hadli lahaa xeerka Doorashada 2020, iyadoo sababta lagu sheegay foowdo laga dhex bilaabay Baarlamanka, iyadoo ay Baarlamanka soo galeen xubno sita qoraallo ay ku qoran tahay ”Baarlamanku ma aha Gole Sacab” iyagoo leh waxaan u doodaynaa ”shacabka Muqdisho lagu xasuuqayo.”

Yaa loo sacbiyay? Maxaa se kulankan iyo sacab iska galay? Midda ay tahay inay xildhibaannadani ogaadaan waa in Baarlamanku aanu ahayn Gole Amaan ee uu yahay sharci dejin ay sugeeyso inuu daboolo baahida dalka oo idil.

Tusaale ahaan, hindise sharciyeedku inta badan wuxuu ka yimaadaa xukuumadda, mararka qaarna waxaa keena Baarlamanka.

Haddaba, haddii ay ka dhab tahay inay shacab u naxayaan waxay mari karaan hilinnada tooska ah (proper channels), iyagoo u yeeri kara hay’adaha amaanka ku shaqada leh ama xitaa madaxda sare si ay suaalo u waydiiyaan, ama keeni kara hindise sharci ah oo magaalada lagu gelinayo xaalad deg deg si amaanka wax looga qabto, sidoo kale waxay keeni karaan mooshin sharci ah oo buuxa.

Intaaba iyadoo aan la marin inay dhowr qof warqado iska soo qaataan waxay muujinaysaa maamuus xumo, xeerin la’aan, mas’uuliyad darro iyo foowdo aan wax sharci ah ku taagnayn.

Waxaa intaa dheer, maadaama aanu weli dalku lahayn axsaab rasmi ah oo lagu kala jiro oo u kala qaybsan xaakim iyo mucaarad, maxaa keenaya in ay dhowr xildhibaan markasta kaligood qayliyaan, umadda qaybiyaan, khalkhal iyo xasarad abuuraan, wax kasta oo midnimada umadda ku saabsanna kasoo horjeestaan? Yaa iyaga u xil saaray arrintaas?

Beri dhowayd waaba tii la yaabay oo Aqalka Sare ayaa sheegay inuu xiriirkii u jaray Aqalka Hoose, dhaqanka noocaas ah dal burburay kuma soo kaban karo asxaabay. Waana wax laga xishood in duul sheeganaya inay shacab u naxayaan ay uun u taagnaadaan khilaaf iyo hagardaamo.

Si ay u hana qaaddo dowladnimada Somalia oo loo helo nidaam sugan oo sharciga xoojin kara, waa in la helaa hay’ado dowladeed oo tusaale dhigi kara, balse haddii halkii umadda laga toosin lahaa ay ka muuqdaan dadka ugu tayo liita anshax iyo akhlaaq ahaan, waxay taasi noqonaysaa in ay sufahadu siyaasaddaba sidaa u fahamto.

Murti baa ahayd ”hoggaanku tusaale ayuu wax ku hoggaamiyaa?”

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media