”Soo celinteenna madax baa lacag ku qaadatay!” – Wiil horay looga soo celiyay Maraykanka oo ka mid ahaa dhibanayaashii shalay dhintay

0

(Muqdisho) 29 Maarso 2019 – Wiil dhallinyaro ah oo la oran jirey Axmed Saalax Xasan ayaa mid ahaa dadkii ku nafwaayey qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay.

Sida uu sheegay weriye Cumar Seerbiya Axmed wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro laga soo celiyay Maraykanka, qorshahaasoo ay ka wada shaqeeyeen Wasiir Dibadeedka Somalia Md Cawad iyo Guddoonkii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit.

”Soo celinteenna lacag ayay ku bedesheen!”

Wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray: ”Axmed waxaanu sheekaysanay dhawr maalin ka dib markii isaga iyo dhallinyaro kale laga soo celiyey Maraykanka oo ay muddo xabsi kaga jireen.”

”Axmed iyo dhallinyarada kale ee lala soo celiyeyba eedda soo celintooda waxay saareen masuuliyiintii safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ee Waqtigaasi xilka hayey oo ay sheegeen inay lacag ku bedesheen in iyaga Soomaaliya lagu soo celiyo.”

”Axmed oo isagu geeriyooday iyo inta kale ee noolba waxay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee ayna cidna amnigooda damaano qaadi karin ee ku nool Muqdisho.” ayuu warkiisa kusoo koobay.

Haddaba, arrintan ayaa muujinaysa in loo baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro marka la saxiixayo in dalka dib loogu soo celiyo dad Soomaaliyeed oo ka cararay khilaafyada dhiiglaha ah ee dalka ka soconaya, waayo haddii aysan madaxdu samayn karin nabad gelyo ay dadku dalka kula noolaadaan waa inaysan uga daba tegin dibedaha ay u baxsadeen, weliba waxaa ka sii daran haddii ay run tahay in woxoogaa lagu qaatay soo celinta dhallinyaradaasi.

Hadalsame Media