AFAR MAANLAAWE: Dowladda, Ciidamada, Mucaaradka & Shacabka (Akhri su’aalaha horyaalla)

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2019 – Ma waxaan iraahdaa Somalia guud ahaan, markaas ayaan Soomaalida dalkaa ku nool oo idil eedaa mise waxaan iraahdaa Muqdisho, haa aan iraahdo Muqdisho, waayo waloow uu dhibka guud dalka wada camimay misna halka iminka loo caal waysan yahay waa Xamar.

DOWLADDA

Aan ka bilaabo maanlaawaha 1-aad oo ah DF Somalia, waxay doonaysaa inay ka dowladayso hal magaalo oo Muqdisho la yiraahdo waxayna la’dahay xeel iyo xikmad ay xukunkeeda ku hanato iyadoo aan iska didin ama isku dirin dadka ku nool halkaa magaalo si ay ugu fiddo dalka oo idil.

Waxay ahayd inay dowladdu wax kasta oo kale iska dayso oo 27/7 ku mashquusho wax ku saabsan qoondaynta, qorshaynta iyo wax ka qabashada amaanka, balse iminka oo ay 2 sano dhaaftay waxay lasoo istaagtey dood ah inaysan nidaamsanayn ciidamada dowladdu.

Su’aashu waxay tahay yaad ka dacwoonaysaa, yaad se ku dacwaynaysaa khaladkaada?, illeen waloow ay ciidamada qaar badan oo ka tirsan laftoodu ka marqaati keceen inaysan u qalmin in ciidan dal loogu yeero misna soow isla dowladda ma ahayn inay mar hore la timaado hoggaankii iyo hanashadii ciidankaasi, maadaama uu dalku yahay mid kasoo baxaya foowdo cimri dheer? Maxaa keenay in aan 2 sano kaddib kiiskan ka hadalno?

Haddii aadan se waxba qaban karin maad yeelataan karti aad ku eed la’aataan oo aad furaha iskaga wareejisaan, ciddii kale oo aaminsan inay wax qaban karto? Sidee ku dhici kartaa inay sidan wax ku socdaan wax tillaabo ihina aanay dhankiinna ka muuqanin? Yaa idinkula taliya inaad is waashaan oo arrimaha cakiran sii qastaan halkii laga dejin lahaa oo wax la isu jiidjiidi lahaa? Soow ma ogidin in dalkani uu yahay dal muddo dheer sharci la’aan ahaa oo ay ku dhex jiraan in badan oo nidaam diid ah? Maxaa keenaya in idinka oo aan amaankii wax ka qaban aad ku mashquushaan waxyaabo kale oo aan hadda muhiimad horaad lahayn? Maxaa se keenaya inaad daal iyo quus muujisaan idinkoon geedo badan fuulin ama dadaal fara badan muujin?

CIIDAMADA

”Ciidamada dowladdu” inta badan waxay muujiyeen inaysan cidna ka amar qaadan, waayo askarigu wuxuu ku shaqeeyaa amar, wixii uu tababanayana dad baa uga sarreeya oo ay tahay in ay la xaalaan.

Waa run in ciidamada la hagraday oo aan lagu dadaalin, waana eed qabata DF Somalia, yeelkeede, qiil u heli mayno inaan difaacno askari inta shaqadii loosoo diray kasoo tegey xilli xaalad xasaasi ah lagu jiro mushaharkiisa, ciidannimadiisa iyo amaankiiba siyaasadaynaya amaba ka amar qaadanaya duul aan ahayn dowladdii uu askariga u ahaa.

Waxaa kale oo dheer, in haddii uu amaanku faraha ka boxo uu isla askarigu noqonayo bartilmaameed ka mid ah kuwa eedi doona amaan darrada iyo foowdada, amaba guud ahaan ay wax kasoo gaari karaan, marka waa maanlaawe.

MUCAARADKA

Horta marka kasta maanlaawaha ugu khiyaalisan siyaasadda Somalia waxaa mar kasta ah kuwa mucaaradka sheegta, sababtuna ma aha inay mucaaradnimadu wax xun tahay, balse marka aad kabo kale wax ka sheegayso waa inay kuwaagu kaban yihiin.

Qaar badan oo ka mid ah mucaaradka wax tilmaamaya ee faraha taagtaagaya waxaa ku jira dad badan oo horay loosoo jarribay, isla markaana si wanaagsan umadda ugu hor kufay, muxuu haddaba yahay waxa soo kordhay ee uu qofkaasi iminka sido iyo naqa uu noosoo arkay?

Kaaga darane mucaaradka Soomaalidu waxba ma xeeriyo, dan guud ma eego, Alle kama boqo, umad uma noxo, wuxuu sameeyaa wax kasta oo uu ku muujin karo inuu dantiisa gaarka ah daba socdo.

Halku dheggu waa ”hebel ha is casilo”, walaaloow imisa sano ayuu hebel is casilayay ama xilka laga tuurayay ee misna laga darayay, muhiimaddu ma kursiga uun baa mise waa in wax lasoo kordhiyo?

Tan kale, haddii aad kursi doon tahay oo aad rajo ka leedahay inaad berri wax xukunto, sidee adigana berri laguugu daysan doonaa haddii aad casar iyo cishe qaylo aan xikmad badnayn lasoo liqdaaran tahay? Mise xukun iyo xeerin dooniba mayside foowdo iyo inaad nidaam dhismin ayaad u halgamaysaa? Maxaad se ka heli doontaa haddii aad halgankaa ku guulaysato?

SHACABKA

Shacabka, gaar ahaan kuwo Muqdisho waxay dagaal, dhiig, holac, qaxar, qarax iyo qaac kusoo jireen muddo iminka 30 sano kusii dhow, welina qaar badan baan bislayn.

War dadoow ma qurub ayaad tihiin maxaa nahdii idinka qaaday? Maxaa keenaya inay u riyaaqdo, qariso, taageerto, soo dhoweeyso, ku farxdo nin shidaya dab aad ku guban doonto, welibana aad khibrad wanaagsan u leedahay?

Waan qirayaa saaka inay wax badan oo eedda ah leedahay Dowladda Somalia oo aan xitaa samaynin hab-howleed hufan oo ay ku wada shaqeeyaan dowladda iyo dadwaynuhu.

Yeelkeede, la idiin qarin maayee laftiinnu il-qod baad qabtaan, sidee ku dhici kartaa in magaalo dhan oo ay 3 milyan ku nool yihiin aysan yeelan dan guud oo ay wada ilaashato si ay u wada noolaato, sidee ku dhacday in aan lakala jeclayn midkii magaalada dhisaya iyo kan inuu dhimashadeeda ku faano shir jaraa’id u qabanaya?

Sidee ku dhacday in 30 sano ku dhowaad kaddib ay Muqdisho joogaan dad taageeraya hoggaamiye kooxeed oo aan ognahay sida uu magaaladaa caqli xumadiisa iyo cindi yaradiisa ugu rif rifay ee uu reero is neceb uga dhigay? Yaad dhiiggaaga ku nacaynaysaa?

War sidee ku dhici kartaa inaad biisho mid aad ogtahay inuu berri ku qarxinayo? Sideese ku ogolaatay inaad bilaash ku dhimato oo aad iska noqoto lambarro idaacadaha laga sheego, sida 15, 40, 100 ilaa 1000 hal mar wada dhimanaysa iyagoo aan walba ku jirin furin dagaal oo ay iskaga dhicinayaan qofka sidaa u laynaya? War waabad dhimanaysaaye maad wajahdid midka ku laynaya? Waxaa hubaal ah in markaas ay arrintani soo afjarmi lahayde? Maxaa kuu diidey inaad yeelato marjac dhaqan iyo dad aayahaaga u taagan oo aan ahayn odayada abuul saliidka ah ee shilinka ku shaqeeya? Maxay tahay inkaarta kugu dhacday? Maxaad jabkaaga ugu qoslaysaa? Waxaad tahay maanlaawaha ugu nasiibka daran.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media