AC Milan oo kusoo biirtay safka kooxaha doonaya David Neres

0
(Amsterdam) 28 Maarso 2019 – Kooxda AC Milan ayaa la sheegayaa inay xiriir toos ah la samaysay kooxda Ajax oo ay uga geed fariisatay laacibka garab-weerarka ah eee David Neres.

Laacibkan reer Brazil ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xiddigaha ay xagaaga bartilmaameedsan doonto kooxda Rossoneri, gaar ahaan haddii ay usoo baxdo CL.

Laacibkan ayaa si wayn loogu qalboobtami doonaa xagaaga iyadoo ay doonayaan kooxo badan oo reer Yurub ah.

Kooxdan reer Dutch ayaa haysata qaar ka mid xiddigaha soo baxaya ee loogu doonista badan yahay iminka kaddib wacdarihii ay Champions League kula dhigtay kooxda Real Madrid oo qiimaha sii kordhiyay.

Waxaana xiddigaha kooxda uu layliyo Erik ten Hag kuwa ugu firfircoon ka mid ah David Neres, oo ah 22-jir dadabka midig ka weerartama.

Laacibkii hore ee San Paolo oo muhim u ah kooxda Ajax ayaa dhaliyay 14 gool, 13 gool 32 kulan oo uu saftay.

Waa nin ku fiican shaxda 4-3-3 ee uu Gattuso doorbido, wuxuuna ku kacayaa ilaa €50m oo euro.

Hadalsame Media

Facebook Comments