Baarlamanka Talyaaniga oo ka baaraandegaya xeer dhigaya in la DHUFAANO qofkii KUFSI lagu helo!

0

(Roma) 29 Maarso 2019 -Dalka Talyaaniga ayaa ka baaraan degaya sharci ogolaanaya inay kiimiko ku dhufaanaan dadka lagu helo inay kufsi gaysteen.

Xildhibaannada isbahaysiga shacbawiga ah ee haatan dalkaasi ka arrimiya ayaa isku khilaafsan meel marinta hindisahan, si loola dagaallamo dembiyada jinsiga la xiriira.

Aragtida ah in la dhufaano dadka lagu helo dembi kufsi ah – iyadoo ogolaansho la waydiinayo – ayaa waxaa keenay Xisbiga cunsuriga ah ee Lega Nord.

Yeelkeede, Xisbiga ay isbahaysiga ku wada jiraan ee Shanta Xiddigood (Cinque Stelle) ayaa gaashaanka u daruuray aragtidaas.

Si kastaba, waxaa la isku raacay in dembi laga dhigo sawirrada qaawan ee qaabka aarsiga ah loo faafiyo (revenge porn) – balse weli waxay doodi ka joogtaa xaddiga ciqaabta lagu mutaysan doono.

Hadalsame Media