Imaaraadka oo dalalka Carabta ku qalqaalinaya in Falastiin la iska illaawo oo xiriir wanaagsan lala yeesho Israel!

0

(Abu Dhabi) 29 Maarso 2019 – Imaaraadka Carabta ayaa muujiyay sida ay ugu heellan yihiin in gebi ahaanba meesha laga saaro dal Falastiin la yiraahdo iyo qaddiyaddiisa, isagoo soo jeediyay in dhulka Falastiin gebi ahaanba lagu daro Israel oo hal dal laga dhigo, si nabad loo gaaro sida ay qabaan.

Go’aanka ah inaan Carabtu la hadlin Israel wuxuu sii murjiyay inay xal la gaaro, sida ay la tahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash, oo u warramayay wargayska maalinlaha ah ee dalkiisa kasoo baxa ee The National.

“Sanado badan oo badan kahor, waxaa la gaarey go’aan ahaa inaan lala xiriirin Israel, wuxuuna ahaa mid aad iyo aad u khaldan, marka dib loo eego,” ayuu yiri Gargash, oo aan halkiisa la gabban, isagoo ku doodaya in lakala saaro siyaasadda la isku hayo iyo in la wada hadli karo.

“GUURITAAN ISTARAATIJIYADEED”

Israel ayaa xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed la leh laba dal oo qura, marka ay timaado dunida Carbeed, kuwaasoo ah Masar iyo Urdun.

Yeelkeede, Wasiir ka tirsan dowladda Israel ayaa sanadkii tegey booqday Masjidka wayn ee Abu Dhabi Grand Mosque, halka uu markii ugu horreeysey muddo 22 sano ah uu Saldanadda Cumaan booqasho la yaab leh ku tegey RW Yuhuudda Benjamin Netanyahu, sidoo kale Sucuudiga ayaa sida Imaaraadka, muddo dheer xiriir hoose la wadey Israel.

Waxaa muuqanaysa inay Carabtu u kala dhuumanayso Israel, iyadoo aan meel ku ogaanin qadiyadda Falastiin oo lahayd dhulka ay maanta deggan tahay Israel, intii yarayd ee u hartayna xitaa lagusii sikaday.

Hadalsame Media