Keeroow oo ahaa ninkii xaaskiisa ku diley San Diego oo gacanta lagu dhigay

0

(San Diego) 29 Maarso 2019 – Cabdicasiis Keeroow oo ah 45-jir lu eedaysan dilka xaaskiisii oo 36-jir ahayd ayaa iminka gacanta lagu dhigay isagoo baxsad ah.

Abdiaziz Kerow oo ku eedaysan dilka xaaskiisii Muna Kuri oo 36-jir ahayd ayaa la sheegay in Maarso 20 lagu qabtay dalka dhaca bartamaha Ameerika ee Panama.

Keeroow ayaa Khamiistii lagu soo wareejiyey booliiska magaalada San Diego ee gobolka California, iyadoo durba qol looga qabtay Xabsiga Dhexe, sida ay sheegeen booliiska San Diego.

Kuri walaasheed ayaa ahayd qofkii ugu hor ogaatey dilkeeda iyadoo dhiiggeeda ku aragtay sariirta guri ay ka deganaayeen baloogga 4000 ee jidka Van Dyke Avenue oo ka tirsan xaafadda City Heights kahor 9am, Maarso 4, sida uu sheegay Taneetiga Chris Tivanian.

Hadalsame Media