DHUFAYSKII QIYAAMAHA: Meel uu ku aasan yahay dhamaanba ABUURKA adduunka oo halis aan lagu tashani soo wajahdey! + Sawirro & jaantusyo

0

(Svalbard) 28 Maarso 2019 – Halka uu ku yaallo kayd 10 sano kahor loo dhisay in la dhigo abuurka miro kasta oo dunida laga isticmaalo, ayaa iminka aad u diiraysa.

Sida ku cad warbixin cusub, cimilada gasiiradda Svalbard, oo ka mid ah jasiiradaha Norway oo uu ku yaallo dhismaha lagu naanayso Dhufayskii Qiyaamaha (Doomsday Vault), ayaa la sheegay inuu yahay goobta ugu diiri og caalamka, iyadoo gaari karta ilaa 10°C inta aanu qarnigani dhamaanin.

Tusaale ahaan, 2017 waxaa albaabka dhismahan oo dhulka hoostiisa ah soo galay daad ka dhashay baraf milmay kulayl dartii.

Waxaana laga baqayaa in cimiladan is bedeleeysaa ay saamayn ku yeelato kaydka abuur ee ku jira dhulka hoostiisa, iyadoo markii horeba goobtan loo xushay inay tahay meel badiyaa qaboow.

Dhufayska Abuurka Adduunka oo ku yaalla woqooyiga Norway ayaa waxaa ku kaydsan ilaa 1 milyan oo saami oo ah abuur ay taariikh beeriddiisu dib ugu laabanayso 13,000 oo sano, waxaana looga gol leeyahay in lagu baxsado haddii ay lacalla wax ku dhacaan abuurka guud ee adduunka.

Hadalsame Media