Galmudug oo ka hadashay waxyaabihii ay isla soo qaadeen Wasiir Gudeedka DF (War Saxaafadeed)

0

(Dhuusomareeb) 28 Maarso 2019 – Maamulka Galmudug ayaa war saxaafadeed kasoo saaray waxyaabihii lagu soo qaaday kulamadii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi, kaddib booqashadii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Md Sabriye.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Wasiirka kala hadleen inay diyaar u yihiin in la wada xaajoodo haddii sida ay u dhigeen ay DF Somalia tixgeliso dastuurka Galmudug oo kana dayso ”faragelinta” ay ku hayso, sida ay yiraahdeen.

Gamudug ayaa sheegtay in ay Wasiirku hor dhigeen tabashooyinka ay u qabaan DF Somalia, si uu u hordhigo madaxda sare ee Dowladda Dhexe.

Galmudug ayaa soo jeedisey in loo fasoxo kab miisaaniyadeed ay ka heli jireen DF oo xayiraadi ka saaran tahay iyo sidoo kale qoondada mashaariicda horumarineed ee dalka, si wax loogu qabto shacabka gobolkaasi oo colaad ka daal ah, sida ay u dhigeen.

Maamulkii Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado ayaa iminka u kala jaban laba garab oo ay qabi deggan tahay magaalada Cadaado, iyadoo aysan caddayn waxa uga qorshaysan DF Somalia iyo xitaa madaxda maamulka Galmudug, si xal waara oo loo dhan yahay loo gaaro.

Halkan hoose ka eeg War Saxaafadeedka:

Hadalsame Media