Xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaliaya iyo Kenya: Jirrida iyo saadaasha (Warbixin dhinacyo badan)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2019 Muranka soohdimaha waa arin soo jireen ah oo dhexmara dalalka dariska ah, gaar ahaa Afrika oo xuduudaha dalakedu uu sameyay guumestihii, kuna saleeyay qaab aan ka tarjmeyn rabitaanka dadka qaaradda oo ku qotama danihiisa gaarka ah. Dadka Soomalida waxa ay ka mid yiiin bulshooyinka uu dhibaatada ballaaran u gaysatay kala qeybtinta soohidimenyta goomeysigu. Iyadoo dadka Soomaaliyeed dhulkooda la qeybshay, qeybo badana lagu daray dalal kale. Haddaba waxaa xusid mudan Soomaliya iyo dalka Marooko ma ogolaan xuduudaha uu guumesigu dhigay ka dib xuriyaddii dalalka afrika.

kenya waxay abuurtay xiisad diblumaasiyadeed waxayna ku dhaqaaqday tallaabooyin liddi ku ah xiriirka labada dal iyadoo 16 Febaraayo 2019 u yeeratay Danjireheeda Muqdisho si wada tashi ula yeelato isla markaana ku wargalisay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkeeda in uu ku laabto dalkiisa, waxayna ka cabanaysay shirka london oo lagu soo bandhigayay laguna xayaysiinayay shidaalka ku jira badda Soomaaliaya. Kenya waxay ku haysataa Soomaaliaya dhul badeedkeeda arrinkaa oo gaaray Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka 2014 kii, waxaana xusid mudan in labada dal uusan jirin heshiis soohdimeed ka dhexeeya.

Tallaabadda kenya ay qaaday waxay ka anfariirisay Caalamka, waxaana lala sii yaabay in shardi uga dhigtay in xirrirku ku soo noqdo caadigiisii in loo cudurdarto, dad badan way la yaabeen in kenya sidaa noogu soo dhiirato oo aad uga haybaysanjirtay dalkeena. Xiisaddu waxay salka ku haysaa warbixinadda tibaaxaya in Soomaaliaya leedahay keyd batrool baaxad wayn dhul badeedkeeda gaar ahaan Qalfoof Qaaradeedka, diraasadaha qaar ayaa sheegaya in kaydka dalku noqonayo kan 20 aad ee dunidda hadii la eego keydka dhulka uun balse hadii lagu daro kan dhul badeedka waxuu noqonayaa kan 7aad ee dunidda.

Hagardaama Kenya

Kenya waxay caadaysatay hagardamada Soomaaliya waqtiyadii danbe, waxay xirtay saacada kooban Lataliyaha Safaardda Soomaalia Kenya 2014kii Maayo oo ah xadgudub culus xeerka Fiyanna ee xiriirka diblumaasiyadeed ee 1961, Soomaaliaya Arrinkaas way ka gilgiltay waxayna u yeeratay Danjiraheeda ilaa markii danbe kenya ay ka cudurdaaratay falkaas guracan, balse ma aysan joojin dhibaataynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool oo lagula kacay xirid, masaafurin iyo cagajuglayn. İntaa waxaa dheer kenya oo rabtay in ay dhisto darbi ay ku kala go’doominayso dadka walaalaha ah ee xuduuda labada dhinac kala dagan iyo waliba burburinta agabka isgaarsiinta Soomaalida ee Xuduuda. Soomaaliaya jawaab kama bixin arrimahaas oo dhan ilaa markii danbe kenya ay xanibto wafdi rasmi ah oo xildhibaano ah una socday Turkiga 2015 kii oo wehelinayay Ra’isul Wasaarihii hore taas oo ka hor imaanaysay is afgaradka labada dal ee ahaa fududaynta maritaanka wufuudda rasmiga ah kana hor imaanaysa habdhaqanka diblomaasiyadeed.

Jirridda Muranka Badda

Arrinka badda wuxuu bilaawday 2005 kolkii kenya si iskeed ah u jeexatay xariijin ay ku sheegtay in ay tahay xad badeedka labada dal iskuna dayday in ay ka diiwaan galiso Qaramada Midoobay, iyadoo ka faa’iidaysanaysa duruufaha uu dalka marayay isla markaana uusan jirin heshiis soohdimeed oo labada dal kala saxiixdeen. Soomaaliaya markii ay ku baraarugtay damaca kenya gaashaanka ay u daruurtay waxayna isku dayday si wada xaajood ay arinka ku xaliso balse taas way suuragali wayso, ugu danbayn Soomaaliya waxay furtay dacwad ka dhan ah kenya 2014, kenya waxay geed dheer iyo mid gaaban u gashay in arrinku uusan gaarin Maxkamad, waxay durtay in maxkamaddu awood u lahayn qaadista dacwadda, waxayna ku doodaysay in labada dal kala saxiixdeen heshiis is af garad oo sheegaya in wadahadal ku dhamaystaan muran kasta taas oo u socon waysay oo garsoorayaasha Maxkamadda Cadaaladda Aduunku ku gacan sayreen.

Jeexidda xuduud badeedka waxaa loo maraa Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982 (UNCLOS) gaar ahaan qodobkiisa 15 oo sheegaya “ markii laba dal xeebahoodu isku dhaganyihiin ama iska soo horjeedaan, dal kasta oo ka mid ah xaq uma leh, hadii aysan si kale ku heshiin, in uu fidsado dhul badeedkiisa ka gadaal xareejinta dhexda ilaa dhibic kasta ay la mid noqoto dhibicda ka horeysa oo ka xigta xariijinta Asaaska ah oo laga qiyaaso dhul badeedka dalalka. Sidaas oo ay tahay, xukunkan kuma dabaqmayo markii ay lagama maarmaan tahay xaq taariikhi ah awgiis ama duruufo kale oo gaar ah, in loo maro xadaynta dhulbadeedka si ka duwan tan” taas macnaheedu waxay tahay in xuduudda dhulku sideeda ku sii soconayso marka labada dowladood isku dhaganyihiin, markii ay iska soo horjeedaana xariijinta dhexda ah laga qiyaasayo.

Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982

Soomaaliaya waa xubin ka mid ah heshiiskaan oo ay ku midaysan yihiin 160 dal, wuxuu soo bilowday 1958 intiisa badan waxaa la isla meel dhigay 1973 ugu danbayna waxaa la isla qaatay 1982. Heshiisku wuxuu qeexaya xuquuqda iyo xilka dalalka badda leh sidii ay u adeegsan lahayeen biyaha uga faa’iidaysan lahaayeen kheyraadka badda, wuxuuna salka u dhigayaa habraac hagaya Ganacsiga ilaalinta deegaanka ilaha nololeed ee badda.

Eray Bixinadda Badda

Xariijiinta Asaaska : waa buqcadda ugu fog oo biyaha taabanaysa iyadaana ah asaaska laga qaadanayo qiyaasaadka .

Biyaha Gudaha : waa biyaha ka sokeeya xariijinta asaaska oo gudaha ugu jira dhulka oo biyuhuna geesaha ka xigaan.

Dhul Badeedka: waa dhulka biyaha ka hooseeya oo laga qiyaasayo xariijinta asaaska oo gaaraya 12 mayl badeed (22 klm ). Waxay la xukun tahay dhulka caadiga ah marka laga reebo doomuha shisheeye in ay xaq u leeyihiin maritaan lagama maarmaan ah ( innocent passage ).

Dhul Badeedka xiga : waa 12 mayl badeed ku xiga dhul badeedka, dowladdu waxay xaq u leedahay in ay ka kaluumaysato, rukhsado ku bixiso lkn maritaanka waa u furanyahay doomaha shisheeye lkn kama kaluumaysan karaan ogoloshho la’aan.

Aagga Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) : waa 200 mayl badeed laga soo tirinayo xariijinta asaaska, dalku wuxuu xaq u leeyahay marinta fiilooyinka, baaritaanka cilmi iyo kaluumaysiga balse maritaanku waa furanyahay.

Qalfoof Qaaradeedka: waa dhulka Badda ka hooseeya oo gaaraya 200 mayl badeed (370 klm ), waana dhulka shidaalka laga qodo aalaaba . mar danbe waxaa la isla gartay in la kordhiyo oo lagu daro 150 mayl badeed oo la gaarsiiyo 350 mayl badeed (646 klm ).

Baddaha Furan : waa bad waynta aan hoos tagin dal ama dalal oo aduunka oo dhan si isku mid ah u marikaan, baaritaan u samayn karaan, fiilooyin gashan karaan, ka kaluumaysan karaan . waana wixii ka baxsan inta aan soo sheegnay.

Heshiiska Is Afgaradka Soomaaliya iyo Kenya

Qaramada Midoobay ayaa waxay soo-jeedisay in loo kordhiyo dalalka ku midaysan Heshiiska Badaha qolfoof qaaradeedka oo lagu daro 150 mayl badeed sanadku markuu ahaa 1997. Waxaana loo saaray guddi lagu magacaabo gudiga xadaynta qalfoof qaaradeedka, gudigu wuxuu mudeeyay in dowlad walba ku soo gudbisato codsigeeda bilowga ah ah muddo aan ka danbayn 13 May 2009, waxayna ku shardisay dowladaha aan lahayn heshiis soohdimeed in ay kala saxiixdaan is afgarad in midna mida kale ka hor istaagin in dalabkeeda gudbisato isla markaana Gudigu wuxuu cadeeyay in uusan shaqo ku lahayn xadka labada dal kaliya ay khuseeyso kordhinta Qalfoof Qaaradeedka. Dowladdii ugu horeysay ee soo gudbisa dalabkeeda oo ku lifaaqanyihiin dhamaan xogta la rabay waxay ahay Ruushka 2001 , waxaa ku xigay Norway 2006 dii, 11 Dowladood ayaa iyaguna gudbistay codsiyadooda xiliyo kala duwan balse waqtigii oo sii dhamaanaya waxaa gudbisay 40 dowladood oo Soomaaliya iyo Kenya ka mid yihiin.

Si arrinkaa loo gaaro ayaa xilligii Madaxwayne Shariif, Ra’isul Wasaare na ahaa Cumar Sharmarke ayaa waxaa Golaha Wasiiraddu ogolaaday in Heshiiskaas la galo, waxaana loo igmaday Cabdiraxmaan Cabdishakur in uu saxiixo waana la saxiixay 09 April 2009. Sida Qanuunka Aduunku qabo laba dal hadii aysan layahyn heshiis soohdimeed waxaa loo filan karaa in ay ka dhexayso muran soohdimeed, hadii murankaa lagu xalin wadahadal waxaa lagu xalin karaa Maxkamad.

Fasiraadda Heshiiska Is Afgaradka

Dhinaca Qaanuunka : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qeexday maqaamka heshiiska is afgarad uu ka qabo Qaaanuunka Aduunka, waxayna u aqoonsatay heshiis Caalami ah oo waafqsan Xeerarka Aduunka marka ay ka eegtay dhinacyada galay oo awood u lahaa in ay saxiixi karaan heshiiska, iyo in isla heshiiska uu sheegay in uu dhaqan gali doono marka la saxiixo iyadoon lagu xirin oggolaashu Baarlamaan, waxay kaloo sheegeen in u jeedada laga lahaa heshiiska aysan ahayn xadayn ee ay ahayd kaliya kordhinta Qalfoof Qaaradeedka.waana loo diiwaan galiyaya Soomaaliaya Codsigeedii kordhinta Qalfoof Qaaradeedka iyadoo gacan ka heshay Dowladda Norway oo danaynaysa soo saarista shidaalka.

Dhinaca siyaasadda : Sida looga bartay Soomaalidu wax walba way siyaasadeeyaan iyagoo ka leh dano gaar ah, heshiiskaan is afgarad wuxuu kiciyay buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo wali taagan oo aan loo baahnayn hadii la fahmi lahaa nuxurka uu ku qotomay, hadaba si loo fahmo waa in la ogaadaa:

Koow: arrinka kenya iskeed u jeexatay soohdinta iyada u gooni ah ee 2005 tii iyo arrinka heshiiska is afgard ee 2009 wax xiriir ah oo ka dhexeeya ma jiraan. Tan koowaad waa arrin gardarro iyo damac guracan ah oo kenya galay halka arrinka is afgardku uu ahaa arrin Soomaaliya ay kala sinayd 128 dal in ka badan oo loo kordhinayay Qalfoof Qaaradeedkooda, waxaan maangal ahayn Golo Wasiiro oo ay ku jiraan dad sumcad dheer leh ay wada ogolaadaan in dhulkooda uga tanaasulaan dal kale iyadoo la ogyahay in 4 ka mid ah isla sanadkaas 2009 dhamaadkiisii ku shahiideen qaraxii Hotel Shaamoow.

Labo : qodobadda iyo ujeedadda heshiiska is afgarad ma ku qornayn wax sheegaya in xuduud laga wada hadlay ee waxay ahayd soo jeedin ka timid Qaramadda Midoobay sida makamadda ICJ cadaysay iyadoo doodii kenya diiday.

Seddex : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qaadaa dacwadaha u dhexeeya Dowlada kaliya mana laga qaadan karo racfaan, waxayna gashaa dacwadaha marka lagu xalin waayo wadahadal, waana sida Soomaaliaya yeeshay markii wada hadalkii laba wareeg lagu xalin waayay arrinka wareeggii sedexaad Muqdisho ka dhici lahaana ay kenya ka baaqsatay iyodoon soo wargalin Soomaaliaya taas oo cadaysay in kenya aysan daacad ka ahayn wada hadalka.

Sidee Cumaan u fidisay Qalfoof Qaaradeedkeeda

Saldana Cumaan waa Dowladda Carbeed oo bad dheer leh oo u dhaw Soomaaliaya, waxayna ku guulaysatay in si habsami leh u balaariso Qalfoof Qaaradeedkeeda; waxayna heshiisyo soohdimeed la saxiixatay dhamaan dariskeeda, ugu horayn waxay la saxiixatay heshiis soohdimeed Iyraan 1974, sidoo kale Sacuudiga 1990, Yemen 1992, Imaaraadka 1999, Baakistaan 2000 si ay uga baaqsato is qabqabsi. Cumaan waxay u gudbisay gudiga codsiga ballaarinta Qalfoof Qaaradadeedka oo ku dhamaystiranyihiin xogohii loo baahnaa 15 April 2009 si loogu daro 150 mayl badeed dheeri ah waana loo diiwaan galiyay.

Maxaa laga fili karaa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ)

Kenya waxay ku doodaysaa in ay maamushay dhul badeedka sadex xagalka ah markii ay soo saaraty Aaggeeda Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) 1979 balse taas waxaa beeninaya isku daygeedii leexinta xariijinta xuduuda badda ee 2005 tii oo cadaysay damaceeda dhul badeedka Soomaaliaya, waxay kale oo ku doodaysaa in xariijinta dhul badeedka feer socoto dhul baraha si aan waafqasanayn Heshiiska Badaha isla markaana Soomaaliya kula heshiisay in wadahadal ay ku dhamaystaan wax kasta oo aysan Maxkamad aadin iyagoo sal uga dhigaya heshiiskii is afgaradka 2009 kii, maxkamaduna awood u lahayn in ay qaado dacwadda Soomaaliya gudbisay.

Maxkamadda ICJ ayaa dhamaan diiday doodihii kenya, go’aanna ku gaartay in ay awood u leedahay qaadista dacwadda taas oo guul u ahayd Soomaaliya balse go’aan kii ugu muhiimsanaa wali uu dhimanyahay lan filayo in uu soo baxo sanadkaan dhamaadkiisa ama sanadka soo socda 2020.

Go’aamada Maxkamadda ma laha racfaan, khubarada Qaanuunka Aduunka oo ay ku jiraan kooxda gacanta ku haya dacwadda Soomaaliya waxay ku kalsoonyihiin dhamaan xogta la hayo iyo saadaasha ay u muuqato in Soomaaliya ay ku guulaysandoonto dacwadaan . Halka Kenya ay isku dayayso in ay buuq ku furto Maxkamadda ICJ si ay waqtiga u dheerayso una daaliso Soomaalidda oo ay aaminsantahy in xilligaan ay jilicsanyihiin dhinac walba.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa Dacawadani Soomaaliya ku xoogantahay, haddiise ay dhacdo in maxkamaddu u xukunto kenya qayb ahaan ama kullii dhul badeedka Soomaaliya lagu haysto, waxay sumcad xumi ku noqondoontaa Cadaaladda, hufnaanta Garsoorka Aduunka, waxayna horseedi kartaa dagaal dhex mara labada dal maadaama Soomaaliya aysan ku qanci doonin wax ka yar xaqqeeda.

Maxaa la gudboon Soomaaliya

Kenya muran kulama jirto Soomaaliya oo qura ee waxay sidoo kale muran soohdimeed kala dhexeeyaa wadama badan oo dariskeeda ah sida Uganda, konfurta Sudan iyo Ethiopia halka iyada iyo Tanzania u dhexeeyo muran ganacsi xuduudada isaga goosha. Hasae ahaatee muranadaas ma saamayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalkaas, haddaba in kenya ay isku xirto xiriirka labageesoodka ah ee labada dal iyo arrinka badda waxay tusaale u tahay in ay dhayalsanayso milgaha uu u leeyahay xiriirkani.

Mar haday sidaa tahay, waxaa Soomaaliya la gudboon in ay ku dhaqaaqdo tallaabooyin wax ku ool ah iyadoo ugu horayn kacdoon iyo wacyigalin dadweyne laga bilaabayo gudaha; halka debaddana la sameeyo abaabul iyo raadinta taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed heer gobol iyo caalami ah; lana kaashaanayo ururada gobolka iyo kuwa caalamka sida ururka Jaamacadda Carabta, IGA, AU, EU, OIC wadamada Ururka Islaamka iyo Qaramadda Midoobay UN ka. Dhanka kale Soomaaliya waxay haysataa Kaarar badan oo ay cadaadis ku saari karto Kenya, haddii ay si wanaagsan u adeegsato. Waxaana ugu horreeya arrinta ganacsiga ka dhaxeeya labada dal, iyadoo la ogyahay in Kenya xiriir ganacsi oo weyn ay la leedahay Soomaaliya.

Dadaaladda dhexdhexaadinta

Soomaaliya aad ayay isu xakamaysay isuna dajisay qar-iska tuurnimada diblomaasiyeed ee kenya ku dhaqaaqday oo ay ku waxyeelaysay xiriirka laba geesoodka labada dal, in muran dhex maro laba dal oo daris ah waa wax caadi waxaana lagu xaliyaa wada xaajood hadii suuragali waysana Garsoorka Adduunka sidaa awgeed wax macna ma samaynayso marin habaabinta kenya, xeeldheerayaashu waxay ku doodayaan in kenya dareensantahay waji gabaxa uga imaan doona Maxkamadda waxayna ka cabsi qabtaa in shirkadihii ay ku fasaxday dhul badeedka Soomaaliya ay waydiisandoonaan magdhaw wayn halka kuwa kalana ayba qabaan in xiisadani gadaal ka riixayaan dowladdo Soomaaliya xarash u haya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa isku dayay in uu isu soo dhaweeyo labada dal, Madexweynaha Soomaaliya wuu aqbalay soo jeedinta Itoobiya balse Kenya wali way ka biya diidsantahay in ay xiriirka ku soo celiso caadigiisii, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Madexweynaha Uganda Muusafani uu wada dadaalo dhexdhexaanideed lama oga waxa ka soo bixi doona.

Booqashadii uu madexweyne Famaajo ku tagay Nairobi 05 March 2019 oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’isul Wasaare Abi Ahmed waxay ahayd tallaabo kenya aysan filayn oo cadaadiskii diblomaasiyadeed ku sii badiyay iydoo quundaraynaysay in Soomaaliya kala soo laabato dacwadda Maxkamadda, dhinaca Soomaaliya gorgortan kama galin dacwadda badda oo lagu kala bixi doono go,aanka Maxkamadda, dadka wax odorosa waxay ka cabsi qabaan in xiisadaan ay wiiqdo iskaashiga dhaqaale ee ka socda gobolka.

Guaanad

Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo daris ah lehna dano badan oo ay wadaagaan iyo arrimo ay isku hayaan sida arrinta badda, qaxootiga mana aha arrimo hor istaagi kara xiriirka labada dal, kenya waxay marti galisay qaxootiga Soomaaliya muddo rubuc qarni ah iyo jaaliyad ballaaran oo ganacsi ku haysta.

Xilliyadii danbe kenya waxay badashay hab dhaqankeeda oo ay ka muuqato carro iyo ka fiirsi la,aan, iyo goodis in Soomaaliya saari doonto cuna qabatayn taasoo ka dhalatay gaabis ka jira diblomaasiyadda Soomaaliya oo wali ka soo kabsan burburkii qaranka gaaray sanadihii dgaalka sokeeye iyo xagjirnimadda.

Xiisadaan waa imtixaan diblomaasiyadeed oo soo food saaray Soomaaliya oo loo baahanyahay in loo diyaar garoobo lana tusiyo kenya in aan loo baahnayn in ka badan inta iyadu u baahantahay Soomaaliya, Soomaaliya waxay awoodaa in ay qaadato siyaasad dheeli tiran oo lagu ilaalinayo gobonimada iyo midnimdda dalka isla markaana la adeegsanayo diblomaasiyad taas oo keeni doonta in kenya ay ogooto in Soomaaliya loo goodin karin xitaa hadii ay ku jiraan waqti adag ayna ka shalayn doonto cawaaqibta ka dhalata xiisadda ay abuurtay.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media