KASHIFAAD: Swedbank oo MUSUQ loo haysto (Baaritaan rasmi ah oo lagu bilaabay)

0

(Stockholm) 27 Maarso 2019 – Bankiga Swedbank oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka Sweden ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qaab sharci darro ah lacag dhan 40m ugu kala dirayay koontooyin kala nooc ah muddo dhowr sano ah.

Barnaamijka ka baxa hilinka dadwaynaha ee SVT gaar ahaan barnaamijka dabagalka ah ee ”Uppdrag granskning” ayaa daboolka ka qaaday lacag-tahriibin lagu tuhunsan yahay bankigan.

Dacwad oogaha Waaxda Dembiyada Dhaqaalaha ee Ekobrottsmyndigheten, EBM, ayaa iminka bilaabay baaritaan hordhac ah.

Booliiska dhexe ee Sweden ayaa iyaguna tegey xarunta ugu wayn Swedbank oo ku taalla xaafadda Sundbyberg, ee woqooyiga Stockholm.

Fiidkan waxaa shir jaraa’id qabatay Waaxda Dembiyada Dhaqaalaha EBM iyadoo caddaysay in ay ballaarinayso baaritaan ka dhan ah Baanka Swedbank oo ay furtay.

Allan Leppikson / Reval Foto

Hadalsame Media