Laba wiil oo Carbeed oo tillaabo ay qaadeen loogu ”abaal mariyay” dhalashada Talyaaniga (Hal cillad oo jirta!)

0

(Roma) 27 Maarso 2019 – Talyaaniga ayaa dhalasho siinaya laba carruur ah oo ay dhaleen qoys soo galooti ku ah Talyaaniga, sida uu sheegay Wasiir Gudeedka Talyaaniga, Matteo Salvini, oo ah nin aan jeclayn soo galootiga.

Ramy Shehata iyo Adam el Hamami, oo 13 iyo 12 kala jira sida ay u kala horreeyaan ayaa ka mid ahaa 51 arday oo uu todobaadkii hore bas ku gubi lahaa nin  Senegalese ah.

Ninkan ayaa doonayay inuu baska holciyo si uu ugu ”aaro” wax uu ku sheegay ”dhimashada muhaajiriinta ee Badda Dhexe”.

Yeelkeede, Shehata iyo el Hamami ayaa Talyaaniga looga arkaa “geesiyaal” kaddib markii ay qariyeen mobaylo ay markii dambe booliiska ka weceen.

“Koofida ayaan u siibayaa iyaga,” ayuu yiri Salvini oo shir jaraa’id qabtay kaddib markii uu labadan wiil la kulmay.

Ha yeeshee, Salvini oo hoggaamiya xisbiga cunsuriga ah ee Lega Nord ayaa waloow uu ilmahan u ogolaaday in la siiyo baasaboorka Talyaaniga wuxuu waalidkood uga dhaartay inay baasaboorka la qaataan ilmohooda, kuwaasoo u kala dhashay Marooko iyo Masar.

Wuxuu kaloo diidey soo jeedin uu keenay Xisbiga Dimoqraadiga Talyaaniga oo ah in jiilka labaad laga wada safo dhalashada Talyaaniga.

Kulanka Salvini ayaa xiga kulan hore oo ay xalay labadan wiil la yeesheen xulka qaranka Talyaaniga, iyagoo joogey kulankii Parma ka dhacay oo ay Azzurri 6-0 ku dhufteen Liechtenstein.

Hadalsame Media