Kulan gaar ah oo Dhuusamareeb uga socda Madaxda Galmudug & wefdigii DF Soomaaliya + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 26 Maarso 2019 – Madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa iminka kulan gaar ah ku yeelanaya MW Galmudug, Madaxa Xukuumadda maamulkaasi iyo Wasiir Gudeedka Soomaaliya.

Wasiir Gudeedka Soomaaliya oo saaka ka degey magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaa u tegey xallinta khilaafka u dhaxeeya DF Soomaaliya iyo madaxda Galmudug oo iminka laftiisu laba u kala jaban.

Kulanka iminka dhacaya ayaa lagu wadaa inay cirbiyaan kuwo kale oo ay yeelan doonaan madaxda labada dhinac, si loo xalliyo khilaafkan soo jiitamayay mudada dheer.

Wadahadalada ayaa waxaa udub dhexaad u ah in lagu heshiiyo xilliga ay qabsoomayso doorashada Galmudug, isu jiiditaanka dhinacyada kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado iyo sidii loo caadiyayn lahaa xiriirka DF iyo maamulka Galmudug.

Garabka Galmudug ee Dhuusamareeb fadhiya ayaa ganafka ku dhuftay in doorashada maxalliga ihi dhacdo bisha Luulyo ee soo aaddan, sidii uu ahaa jadwalkii maamulkii laga dhaxlay Cabdikariin Guuleed.

Hadalsame Media