Hoteellada qaaliga ah ee Xalane ku yaala dani ma ugu jirtaa xasiloonida caasimadda?

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2019 – Xerada Xalane oo saldhig u ah ciidanka Midoowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale Qaramada Midoobey iyo boqollaal shirkadood waxaa ku yaala hudheelo badan kooda laga sameeyay kunteenaro la dhigay gogol wacan kuwaas oo laga kireeyo dadka ajaaniibta ah iyo shaqaalaha heyadaha ee soomaaliya yimaada.

Chelsea village, Bancroft iyo Thorn tree lodge waxa ay qeyb ka yihiin shirkadaha bixiya adeeega jiifka, cuntada iyo waliba amaanka oo qofka la geynayo meeshii uu magaalada ka doono iyada oo amaankiisa la ilaalinayo laguna qaadayo gawaari aanay baxadu ka dusi karin.

Thorn Tree Lodge waxa ay bartooda Internetka ku sheegeen in ay ku yaalaan meel amaan badan oo ay ku tilmaameen green zone oo ah Xalane iyo garoonka Muqdisho.

Dad wax badan ka og huteelladaan ayaa ii sheegay in habeenkii qofkii laga qaado lacag u dhaxeysa $500 ilaa $1000 taas oo ay ku jirto amaanka, jiifka iyo cuntada.

Magaalada waxaa ku yaala hudheelo ka wacan kuwaas kana waasacsan balse waxaa mar kasta qatar ku ah xaalada amaan ee magaalada.

Haddaba ma is leedahay amaan darada Muqdisho dad ayaa lacag ka sameeya?

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media