DAAWO: Askari kasoo dagaallamay Somalia isla markaana aad u necbaa Islaamka ayaa ku Islaamay isla masjid uu doonayay inuu QARXIYO!

0

(New York) 26 Maarso 2019 – Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Badda Maraykanka, Taneeti Richard McKinney ayaan jir ahaan dagaal ugu jirin, balse niyad ahaan marna kama bixin, cadowgiisa 1-aad wuxuu ahaa Islaamka.

Mckinney ayaa intii uu ku jirey Ciidamada wuxuu iska karaahsadey Muslimiinta, isagoo xitaa jir shaqal (tatoo) ku suntay cid kasta oo uu ka dilo, wuxuuna kasoo dagaallamay dalal ay Somalia ku jirto, halkaasoo uu tacaddiyo badan oo Muslimiinta ka dhan ah ka soo gaystey.

Markii uu kasoo noqday waajibka qaran ee Maraykanka yimid, waxaa ku adkaatay inuu liqo wixii uu soo sameeyay ama soo arkay.

McKinney ayaa deeto bilaabay inuu aalkolada rukunto, isagoo sidoo kale ku maashoobey nacaybka Muslimiinta oo uu sheegay inay ka gaartey inuu jeclaado inay le’daan gebigood.

“Waxaan ku fikirey in haddii aan masjid qarxiyo aan dalkayga asxaan u sameeynayo … Way iga qasnayd xilligaas.” ayuu yiri.

McKinney ayaa qorsheeyay inuu dhiso bambo gacan ku samays ah oo uu deeto ku xiro jgole maxalli ah oo ay Muslimiintu leeyihiin masjidna ku dhex yaallo, wuxuu ugu tala galay inuu weerarkaa argagixiso ku dilo ilaa 200 oo qof, wuuna ogaa inay taasi dhici karto, balse dan kama lahayn.

Waxaa se yaab lahayd in McKinney uu tegey Golihii Muslimiinta, dabcan lama imanin bambooyin ee wuxuu la yimid su’aalo, waxaana la siiyay Qur’aanka oo Ingiriisi ku tarjuman, isagoo soo noqon jirey si looga jawaabo su’aalo ay ku dhaliyeen aayaadka uu akhriyay.

“Ma jirto hal mar oo aan meeshaa tegey oo aan albaabkaa galay oo si xun la iila dhaqmay, nacayb la ii muujiyay, balse waxaa la iila dhaqmay si furan oo saaxiibnimo leh, waxay ii arkayeen walaal xitaa anigoon weli Islaamin,” ayuu yiri.

McKinney ayaa bilaabay inuu saacado ku qaato masjidka, taasoo keentay inuu 8 todobaad kaddib Shahaadada qiro oo uu Islaamo.

Wuxuu haatan la dagaallamaa nacaybka iyo cuqdada sii diyaarsan ee loo qaado Muslimiinta, isagoo dadka ku boorriya inay wax bartaan oo baaraan marka hore.

Hadalsame Media