SAWIRRO: Ciidamo ay ka mid yihiin kuwii gadoodsanaa oo dib u howlgalay & degaanno ay qabsadeen (Mushaharkii oo 50% la bixiyay)

0

(Shabeellooyinka) 26 Maarso 2019 – Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Komaandooska ah ee DANAB ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen degaanno hoos yimaada degmada Tooratoorow, sida Godale, Cadaleey iyo deegaano dhowr ah, iyagoo duullaanka kasoo qaaday Saldhiga Ciidamada Cirka ee Ballidoogle, Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku jiraan kuwii gadoodsanaa ayaa iyaguna Al Shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha DHexe, degaanadaas ayayna AS soo gashay iyadoo ka faa’iidaysanaysey gadoodkii ciidamada.

Sida aannu warar hoose ku heleeyno, ciidamadii mushahar la’aanta ka cabanayay ayaa la sheegay in la siiyay 50% mushaharooyinkii ka maqnaa oo la sheegay in aanayn 4 bilood qaadan, gaar ahaan ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Hiilweyne ee degmada Balcad iyo Degaanka Ceelcadde.

Hadalsame Media