XOG: Kulamo ka tirsan Horyaalka Talyaaniga oo lagu ciyaarayo Shiinaha?

0

(Roma) 22 Maarso 2019 – Maamulayaasha Serie A ayaa wada hadal kula jira Shiinaha, iyagoo sida la sheegayo ka baaraan degaya in kulamo ka tirsan horyaalka Talyaaniga lagu ciyaaro dalkaasi.

Sida ku qoran Financial Times, qorshaha – oo lagu dhawaaqi karo isla todobaad dhamaadkan – waxaa ka mid ah in Shiinaha lagu qabto ugu yaraan hal kulan oo adag oo Serie A ah ‘3-da sanadood ee soo aaddan’ iyo sidoo kale kulamo saaxiibtinimo oo dhex mara labada dal ee Talyaaniga iy Shiinaha.

Heshiiska waxaa ka mid ahaan kara, sida uu hindisey xiriirka Talyaanigu, in la galo qandaraas dhowr sanadood ah si sharikaadka Chinese-ka ah loogu fududeeyo inay maalgashadaan kubadda Talyaaniga, iyagoo ku taageeraya khibradda iyo farsamada ay ciyaaraha u leeyihii, sida tababarro.

Arrintan ayaa imanaysa jeer uu MW Shiinaha ee Xi Jingping uu booqasho rasmi ah ku tegey Talyaaniga, halkaasoo lagu galay heshiis dhaqan dhaqaale.

Shiinaha ayaa waxaa saamayn ku yeelanaysa kubadda Talyaaniga oo lagu qabtay 4 Supercoppa, jeer kooxda Inter ay leedahay sharikadda Suning Group.

La Liga ayaa horay ugu heshiin waayay in horyaalka Spain kulamo ka tirsan dibedda loo safriyo, balse Talyaaniga ayaa u muuqda inuu qaadi doono tillaabadii ugu horreeysey.

Hadalsame Media