DAAWO: Erdoğan oo kulan aan caadi ahayn iskugu yeeray Ururka Islaamka si looga hadlo Islaam-nacaybka sii baahaya!

0

(Istanbuul) 22 Maarso 2019 – Dowladda Turkiga ayaa Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ugu baaqday kulan deg-deg ah oo ka dhici doona Maanta Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga, sida ay qortay Jariiradda Daily Sabah.

Shirkan oo looga hadli doona falkii Argagixisanimo ee dhawaan ka dhacay Dalka , New Zealand iyo sidii laga yeeli lahaa Kooxaha Cunsuriyiinta ee Islamophobia” loo yaqaan oo ku soo badanaya waddamada reer Galbeedka, ayaa waxaa qeyb ka ah madax ka kala socota Waddamada ku bahoobay Ururka OIC.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa lagu sheegay in shirku ay ku casuuman yihiin, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka iskaashiga Amaanka ee Yurub OSCE iyo hay’ado Caalami ah.

15-kii Bishan ayay ahayd markii 50 Qof oo Muslimiin ah lagu laayay Masaajidda Al-Nuur iyo Linwood oo ku yaalla Magaalada Christchurch, ee Dalka New Zealand, markii uu Rasaas huwiyay Nin ka tirsan Kooxaha neceb Islaamka iyo soo galootiga.


Hadalsame Media