KASHIFAAD: Imisa askari oo aan u qornayn ciidamada XOOGGA ayaa mushahar been ah iska qaata?!

0

(Muqdisho) 22 Maarso 2019 – Ku dhowaad muddo todobaad ah ayay taagan tahay xiisadda ciidanka ka soo baxay furimaha  hore ee dagaalka iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan, xukuumaddu waxa ay sheegtay in la bixiyay mushaarka ciidanka u diiwaangashan iyada oo raaceysa warbixinta diiwangelinta ciidanka XDS, waxa ay intaas raacisay in ciddankii aan diiwan gashaneyn ay iska xaadiriyaan barahooda si loo diiwaan geliyo.

Baaritaan lagu sameeyey sababaha rasmiga ee ka dambeeyay xiisaddan, halka ay dhibaatada iyo isfaham waagu kajiraan iyo sababta keentay Isbeddelka lagu sameeyey saddex hoggaan oo katirsan ciidanka XDS, ayaa waxaa kusoo baxay arrimo badan oo la xiriira musuq-maasuq

Tira-koob ay si wadajir u sameeyaan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka iyo xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha oo ay warbaahinta aragtay ayaa muujiyey in tirada ciidanka XDS tahay 16,000 (Lix & toban kun oo Askari) Tirakoobkan ayaa socday November 2017 ilaa 1da Maarso-2019, tiradaas waxaa dheer askar boqollaal lagu qiyaasayo oo dhaawac iyo tababar ku maqan iyo kuwo geeriyooday oo xaq ahaan ay reerihii ay katageen u qaataan mushaarkoodii, waxaa kale oo jira ciidan gaaraya Boqolaal askari oo u badan Shabeellaha dhexe kaas oo ay u suurageliweysay in la tirokoobo kaddib markii ay taliyeyaashiisu diideen in la diiwaangeliyo ciidankaas.

Tirada ciidanka xoogga dalka ee kujirtay galka Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ahayd 25,000 (Shan & Labaatan kun oo Askari) oo qaadanayey mushaar muddo labo sano oo ay talada hayso xukuumadda madaxweyne Farmaajo, sida lagu xaqiijiyey tirakoobka ay sameysay dowladda Soomaaliya 9,000 Sagaal kun oo magac oo ay dowladdu u aqoonsatay  in ay yihiin magacyo been ah oo aan jirin ayaa kujiray tirada ciidanka XDS, ee kujirtay galka wasaaradda gaashaandhigga, taasina waxa ay kadhigeysaa in hay’adda ciidanka XDS ay kudhacday kiiskii ugu weynaa ee musuqmaasuq ee kadhex-dhacda ciidanka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabta in nidaamka cusub ee keydinaya xogta xisaabeed ee askarigu uu meesha ka saarayo in taliyeyaashu lacag kaash ama caddaan ah ay ka qaadaan bangiga dhexe si loogu bixiyo  mushaarka ciidanka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay u qaadatay go’aankaas si looga fogaado Musuq,  waxa ay ku doodeysaa in aan loo dhaxeyn karin bankiga dhexe iyo askariga marka  laga hadlayo mushaarka.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in  $3,200,000 (Saddex milyan iyo laba boqol oo kun oo dolar) oo kaash ah ay gacanta ku qaadi jireen taliyayaasha ciidanka bil walba si loo bixiyo mushaaraarka ciidanka XDS, taas oo ay xukuumaddu aaminsan tahay in asyan ku bixin waddo sax ah.

Isbedelka hoggaannada:

Soo if-bixidda eedda iyo tuhunka kusaabsan in sagaal kun oo magac oo been abuur ah ay kujireen tirada ciidanka XDS  ayaa xukuumadda ku qasabtay in ay isbedel ku sameyso saddexda hoggaan ee ay arrintani saameysay, waxaana kamid ah Hoggaanka ciidanka oo masuul ka ah tirada ciidanka, Hoggaanka Maaliyadda oo lacagaha ka soo qaadi jiray Bangiga dhexe iyo hoggaanka saadka oo ciidanka ugu qeybsanaa raashinka IWM.

Taliyeyaashii saddexdan hoggaan ee la bedelay ayaa xilalka hoggaanadaas hayay muddo tobonnaan sano ah, culeys siyaasadeed oo ay  siyaasiyiinta la heybta saareen madaxda sare ayaa la aaminsan yahay in ay ka badbaadisay in la soo xiro lana maxmakamadeeyo. Sidoo kale waxa kale oo la helay taariikh nololeedka saddexa taliye ee la magacaabay oo qabanaya xilalka ay banneeyeen taliyeyaashii hore ee saddexdaas hoggaan, Taliyeyaasha cusub oo ah dhallinyaro da’da soddomeeyada ku jira ayaa ka soo kala qalin jebiyay jaamacado iyo akaadimiyado ku kala yaalla Turkiga, Taliyaaniga iyo Maleysiya.

Qandaraaska Raashinka Ciidanka

Warbixinta ayaa sheegtay in shirkadda Kashram oo haysatay Qandaraaska fududeynta iyo bixinta Raashinka ciidanka XDS laga joojiyey sii haysashada qandaraaskaas iyada oo dib loo xayeysiinayo qadaraaskaas maaddaama ay isbedeshay tirada ciidanku, ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada  cusub ee ciidanka XDS oo ah 16 kun oo Askari lagu saleynayo Mushaarka iyo kharashka adeegyada kale ee ciidanku u baahan yahay.

Ciidanka XDS ayaa la siin jiray Raashin kusaleysan 25 kun, 10kun oo kamid ah waxa bixinayey UNSOS, iyada oo Shirkadda Kashram ay bil walba kaqaadan jirtay dowladda Soomaaliya lacag dhan $1,500,000 (Milyan iyo Shan boqol oo kun oo Dollar)

Raisalwasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar).

Sooyaalka dhow ee tirakoobyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda

Xilligii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa la sameeyey tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya si loo saxo loona hubiyo mushaarka shaqaalaha, xilligaas waxa dhacay muran iyo buuq badan oo sababay in la beddelo agaasimayaal si loo hirgeliyo nidaamka tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxa ayna xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh kala kulantay qaadistaa tallaabadaas dhibaato weyn.

Xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa aaminsan in xiisaddan ay tahay mid maamul oo ay xukuumaddu dhinac ka tahay, welwelka xukuumadda ee diiwaangelinta ciidankana waxa muujiyey muuqaal laga duubay Raisalwasaare Kheyre oo sheegaya sida dhiiwaangelinta ciidanka iyo sameynta xogta xisaabeed ee askarigu u tahay Khad cas oo ay taabashadiisu leedahay saameyn xun

Xigasho: Mustaqbal Radio

Hadalsame Media