Qiimayn lagu sameeyay dowladda haatan jirta (Maxaa u qabsoomay maxaanse qabsoomin?)

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2019 – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Soomaaliya, Heritage Institute for Policy Studies, ayaa soo saaray warbixin uu ku qiimeynayo waxyaabihii ay qabatay iyo wixii u qabsoomi waayay Dowladda Somalia ee haatan, gaar ahaan labadii sano ee ay shaqaynaysay.

Hoos ka aqriso warbixinta oo dhameystiran

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isaga oo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo musuq-maasuqa, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa. Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin.

Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen  dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay.

Waxaa isa soo tari waayey, ballan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa, in xukuumaddiisu ay Al Shabaab uga adkaanayso laba sano. Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa, in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto.

Dhanka siyaasadda arrimaha gudaha, labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa hareeyey, jaah-wareer iyo is-qab-qabsi, dhowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ah.

Si awood sheegasho ah, shaqo ka eryiddii uu Madaxweynuhu ku sameeyey, guddoomiyayaashii baaarlamaanka iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay, talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha madaxweynaha.

Waxaan iyana suurto gelin, in go’aan siyaasadeed, oo loo dhan yahay, laga gaaro, qodobadaa dastuurka ee aan weli laga heshiin, kuwaas oo ahmiyad gaarka ah u leh, hirgelidda doorashada 2020. Sidoo kale, waxaan heshiis buuxa oo la isku raacsan yahay aan laga gaarin, hannaanka doorasho oo Soomaaliya qaadanayso 2020-ka, taas oo fogeyneysa suurtagal-nimada doorsho qof iyo cod ah, oo dhacda 2020-ka.

Waxaa iyana aan suurto gelin, in la adkeeyo, dhidibadana loo aaso, hannaanka fadaraaleynta, iyaga oo maamul-goboleedyadu, aanay kana sii xoogaysan, kana sii maamul-wanaagsanaan, siday ahaayeen laba sano ka hor. Waxaa isaguna istaagey, wadahadaladii Somaliland, weliba, kala shakiga iyo kala aamin-baxa labada dhinac, hadda sida uu u xun yahay abid ma noqon.

Xagga siyaasadda arrimaha dibadda, waa daciif ama waa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dowladiha iyo hay’adiha ay sanadahaan danbe sida aadka ah ugu tiirsanayd sida: Qaramada Midoobey, inta badan dalalka reer Yurub, Turkiga, Uganda iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Khaliij ahaan, ah, kuwa xiriirka ganacsi oo ugu baahsan, ay Soomaaliya la leedahay iyo Jabuuti oo ah waddan walaal ah dhow ah.

Saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxaa noqdeen dalal faraha hal gacan lagu tirin karo. Dhanka musuq-maasuqa, aad ayaa loo hadal hayaa la dagaalankiisa, waxaana jira, daah-furnaan muuqata oo ku aaddan dekhliga ay dowladda soo uruursato iyo bixinta kharashyada.

Dhanka kale, dhaqaalaha xukuumadda Qatar ka soo gala dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay u isticmaasho waxay noqotay arrin aan wax badan laga ogeyn, aadse loo hadal hayo. Si kastaba ha noqotee, waxaa shaki badan ku jiraa in uu yaraaday ku takri falka xoolaha ummadda. Waxaaba la oran karaa, guud ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna, ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo maro.

Qiimayn maxaa loogu baahan yahay?

Kaddib laba sano doorashadii Madaxweyne Farmaajo, taas oo ay weheliyeen ballan-qaadyo badan iyo rajo badan oo shacaku ka qabeen, waa loo baahan yahay, in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan – si ka mug-weyn wararka baraha bulshada lagu soo bandhigo – waxa u qabsoomay, waxa ay ka gaabisay iyo waxa qabyada ka ah, xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qiimaynteenna labada sano ee hore ee hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, waxay muujinaysaa, in kasta oo inta badan ballan-qaadyadii Farmaajo aanay fulin, haddana waxaa jira arrimo dowladdiisu guulo ka gaartey, in kasta oo ay hortaag-naayeen, culayso baahsan oo baddankoodu ahaayeen kuwa ay iyagu ku lug lahaayeen curintooda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Khayre, waxa ay ku guuleysteen, in ay kasbadan in badan kalsoonida shacabka, si ka sarraysa sidii xukuumadihii hore ay u heli jireen, kalsoonida shacabka. In kastoona bururkii ‘Ar Farmaajo Iigeeya’ uu si cad u yaraaday, haddana, sidaas oo ay tahay, xukuumaddu weli taageero mug leh ayay shacabka ka haysataa, kuwaas oo aaminsan in Madaxweynuhu niyad-wanaagsan yahay, haba ka gaabiyo hirgelinta hadafkiisee. Kalsoonidaas shacabka, waa arrin Farmaajo u wanaagsan, aanse dani ugu jirin dalka, waayo Soomaaliya waxay u baahan tahay, hoggaamiye xaaladda adag ee ay ku jirto ka saari kara, gaar ahaan arrimaha xaasaasiga ah ee amniga, maamulka iyo hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Qaabkee ayaan u marnay qiimaynta?

Go’aamadii iyo ballan-qaadyadii Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre ay ka soo saartay shirkii Soomaaliya ee May 2017-kii, ka dhacay London, ayaan u isticmaalnay in aan ku qiimayno wax-qabadkeeda iyo gaabiskeedaba. Dhawr sababood, ayaanna taas u samaynay. Kow, xukuumaddu waxa ay halkaas ku soo bandhigtay barnaamij maamul oo baahsan, kaas oo ku saabsanaa qorshahooda amniga, siyaasadda lagu-dhan yahay, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.

Laba, Shirka London, waxaa la qabtay saddex bilood kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, iyo laba bilood kaddib markii golihiisa wasiirada la dhisay.

Waqti ku fulin ayayna xukuumaddu u haysatey in ay  degsato qorshe, una dhaqaaqdo fulintiisa. Saddex, xukuumadda waxay deeq-bixiyayaasha la saxiixday Hannaan Isla-xisaabtan Loo-dhan-yahay ah, kaasoo nuxurkiisuna ahaa, in dowladdu qorshe la timid, deeq bixiyayaashuna ballan-qaadeen in ay maal geliyaan, intii dowladdu ku taagan tahay fulinta qorshaheedaas. Afar, Hannaanka Isla-xisaabtanka Loodhan-yahay ayaa ah, qorshaha istaraatajiyadeed, oo kaliya ee cad, oo la fahmi karo, oo ilaa hadda, ka soo baxay, xukuumadda Farmaajo, kaas oo fududaynaya, in la qiimeeyo in ay u fuleen qorshayaashii ay xukuumaddu ballan qaadday in ay hirgelinayaan.

Annaga oo taa ka duulayna, ayaan waxaan dib-ueegis ku samaynay, go’aamadii ka soo baxay shirkii London, ee May 2017 iyo Hannaankii Isla-xisaabtanka Loo-dhan-yahay, waxaana ka diyaarinnay, hal-beegyo muujinaya, in la gaaray yoolalkii la qorshaystay si aan u qiimayno shaqada xukuumadda ee labadii sanno oo tagtay. Si weyn ayaanna u fahamsan nahay in ay jiraan, arrimo awoodda dowladda ka baxsan, oo caqabad ku noqon karey dadaaladda dowladda, taas darteed ayaanna, qiimayntaan dowladda uga dhignay mid aan ku tiigsaneyn ee u turaysa, turiddaas darteed ayaanna, hal-begyada qiimaynta uga soo qaaddannay, kuwa ugu hooseeya ama ugu ladifan. 

  1. Siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan

Go’aanka koowaad ee ka soo baxay Shirkii London waxa uu ahaa ballan-qaad ay xukuumadda Farmaajo ballan-qaadday in ay hirgelinayso siyaasad lagu dhan yahay oo xasilooni keenta,  ayna dastuurka dib-u-eegis ku samaynayso, dhidibadana u aasayso hannaanka federaalka, ayna hirgelinayso qaab doorasho oo ah hal-qof iyo hal-cod.

Sabab weyn ayaa keentay, in shirkaas London looga dhawaaqo in siyaasad loo dhan yahay, laguna dhan yahay, lasiiyo ahmiyadda koowaad. Deeq bixiyayaashu waxay og yihiin, kol haddaan hal awood aysan gacanta ku hayn qaran, in sida ugu dhow ee dib loogu yagleeli karo dal dagaal ka soo kabanaya, sida Soomaaliya oo kale, ay tahay, in la abuuro xasilooni siyaasadeed, wadar-ogol, wadatashi, hadduu doono hannaankaas ha noqdo, mid shaqo badan u baahan, culaysna wata ama jiitamaya. Sida ku cad dhammaan hal-beegyada kale, qorshe-hawleed kasta oo dowladdu London ku soo bandhigtay, kuna ballan-qaadday, waxaa lagama maarmaan u ah, siyaasad lagu dhan yahay iyo wada-socod.

Halbeeggan xasiloonida iyo wadasocodka siyaasadeed, si guud dowladdu waa ugu guul-darraysatay; halka tub oo horumar aan sidaas u weyneyn ay xukuumadda Farmaajo ka samaysay waa dib-u-eegista dastuurka.  Waxaa la oran karaa, dowladdu way baahisay la tashiga daneeyayaasha arrimaha dastuurka iyo bulshada rayadka ahba, in kasta oo taageerayaasha dowladda ay u badnaayeen; sidoo kalena, la tashi – haba koobnaadee – way la yeelatay dowlad-goboleedyada, waana arrin lagu ammaani karo, mar haddii, xiriirka

dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu, uu u badnaa mid is-qab-qabsi iyo khilaaf hareeyey. Sidiise, London carrabka loogu adkeeyey, hannaanka dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka, waa in uu ahaado mid dugsanaya daah-furnaan, ahmiyadda uu leeyahay awgeed. Waana in go’aamo wadar-oggol ah laga gaaro qodobada khilaafku ka taagnaa, sida khayraadwadaagga, awood-qaybsiga, hannaanka doorasho ee dalka iyo nooca iyo qaabka dowlad ee Soomaaliya loo samaynayo, sida in dalku uu yeelanyo dowlad baarlamaani ah oo ra’iisul wasaare hoggaamiyo iyo in uu dalku madaxweyne yeelanayo.

Ballan-qaadkii ahaa in ay dowladdu, dhidibada u aasayso nidaamka faderaalka ah, iyana waa ay ku fashilantay. Dowladdu, waxay noqotay mid dhiillo ragiska-dhicin ah ku dharraysan, taas oo soo dedejisey in goboladu samaystaan Golaha Iskaashiga Maamulgoboleedyada oo ahaa isbahaysi u abaabulnaa iska caabinta wax ay ku tilmaameen damaca iyo amar-kutaaglaynta dowladda federaalka. Bilihii tagey, Golaha Iskaashigu waxay waayeen laba hormuud, uuna ka mid ahaa guddoomiyahoodii Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koofur-Galbeed. Shariif Xasan waxa uu isla casiley cadaadis dowladda Federaalku saartay, taas oo ay xigtey, in hannaankii doorashada Koofur-Galbeed ay dowladdu maamulatay taasina waxay keentay, in qaabka loo maray Madaxweynihii badeli lahaa Shariif Xasan, in lagu tilmaamo, qaab marooqsi ah maamulwanaaggana ka fog.

In ka badan 15 muwaaddin ayaa naftooda ku waayey iska-hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay, Baydhabo, magaalo madaxda ku meel-gaarka ah ee Koofur-Galbeed, kaddib markii ay dowladdu dib u xirtay, Muqtaar Roobow oo ahaa hoggaamiye hore oo Al Shabaab. Roobow dowladda ayuu isku soo dhiibey, lana heshiiyey, kaddibna waxa uu isku sharaxay xilka madaxweynenimo ee maamulkaas, taas oo aad loo aaminsanaa in uu yahay mid ku guulaysan kara, isaga oo kasbaday kalsoonida shacabka, siyaasiyiinta iskuna asteeyey hoggaamiye shabaabka hor-istaagi kara. Dowladda, oo kaashanaysa ciidanka Itoobiya ee Baydhabo ku sugan, ayaa Roobow xirtay, sidaasna ku sugtay in ay soo saarto Cabdicasiis Lafta-Gareen, musharixii ay u xaglinaysay.

Isku soo duuduub, is-aaminaad badan ma dhextaalo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, in dhawaalana xiriirkooduna waxa uu ahaa mid aan fiyoobeyn, gaar ahaan Galmudug iyo Jubaland. Waxaa wiiqmay kalsoonidii, shakiguna waa badnaa, taas oo keentay, in maamul-goboleedyadu ay isku qanciyaan, in aan faa’iido ugu jirin inay deegaanadooda dimuqraadiyeeyaan, awooddana ku baahiyeen, maaddaama ay u arkeen inay taasi sii wiiqi karto.

Marka la eego diyaarinta hannaanka doorashada ee 2020-ka, ma jirto, guul ay xukuumaddu gaartey. Waxay ahayd Baydhabo, bartamihii 2018-ka, markii ugu danbaysay ee uu dhacay wadatashi rasmi ah oo arrimaha dhabta ah loo daadegey, markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyadu ay mabda’ ahaan isku afgarteen doorasho qof iyo cod ah. Kaddibse, waxayba labada dhinac isku khilaafeen qodobbo muhiim ah oo ka mid ah heshiiskaas, gaar ahaan nooca deegaan-doorasho ee dalka, sida in dalka oo dhami hal deegaan-doorasho loo arkayo iyo in maamul-goboleed kastaa, uu noqonayo deegaandoorasho gaar ah. Waxaa kalee oo muuqata, in ay jirto hannaanno doorasho oo Farmaajo iyo Khayre ay danaynayaan, iyaga kaliyana ay fahamsan yihiin. Waxaana muuqata in ay ka maagayaan, wada-hadal rasmi ah oo dimuqraadi ah, daahna furan in ay la galaan dhinacyada ay khusayso doorashadu ee Soomaalida kale, sida xisbiyada siyaasadeed, baarlamaanka iyo bulshada rayadka ah – si dalka ay uga dhacdo 2020- ka doorasho xalaal ah, oo qof iyo cod ah. Waxaana la tuhunsan yahay sababta ay uga war-wareegayaan madaxda dowladdu, in ay dadka ka talagaliyaan qaabka lagu hirgelin karo hannaan doorasho oo xor ah oo xalaal ah, in ay tahay, sida ay uga go’an tahay in ay awoodda sii haystaan, doorashada tan xigtana, ay iyagu madaxnimada ugu soo noqdaan. Sidoo kale, dagaalka qabow ee ka dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobolada iyo guud ahaan, ishaaraanka bannaanka yaal, ayaa iyana loo sababayn karaa, horumar la’aanta ka jirta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Halbeegga ugu saamaynta badan bulshada, waa hirgelinta ama ka gaabinta doorasho xor ah oo xalaal ah; waayo, ku dhawaad labaatan sano, shacabka Soomaaliyeed, waxaa lagu go’doonshay in ay noqdaan daawadayaal, markii ay doorasho dhacayso, iyada oo oday-dhaqameedyo iyo wakiilo kooban, codkii shacabku bixin lahaa, gacanta loo geliyey, kuwaas oo nasiib darro, inta badan ka beeciyey codkaas, musharixii ugu falisaad sarreeya. Hadda, laguma gafayo, haddii la odoraso, mudada kooban oo ka hartay hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, in ay yar tahay fursadda ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah, oo dadka iyo dalka oo dhan ah. Sidoo kale, muddo kororsi – oo ay hadda hadal-haynteeda bilaabeen mudanayaal baarlamaan oo dhanka dowladda u xagliya – ma ahan, guud ahaan arrin u wanaagsan Soomaaliya, gaar ahaanna, ay mudan tahay dowladdan Farmaajo iyo Khayre oo natooxsiga iyo keli-socodka ku sifowdey.

Sidoo kale, waxaad mooddaa, in dhinacyada siyaasadda oo dhammi, ay gadaal u dhigteen, ka hadalka qorshe cusub, loo qaateenna ah, oo baddiil u noqon kara, doorashadii dowladdaan laga filayey oo dalkoo dhan iyo dadkoo dhan ah. Haddiina aan talaabooyin dhiiranaan leh, laguna midaysan yahay oo nooca doorashada 2020-ka ah aan sida ugu dhaqsaha badan loo qaadin, waxay u badan tahay, hannaan doorasho-ku-sheeg ah, deg-deg lagu sameeyey, oo silloon, in la camal-dulleeyo, laguna khasbanaado.

Qodabada kale ee ku dhex jirey ballan-qaadyadii dowladda ee siyaasad lagu dhan yahay, oo xasiloon, waxaa ka mid ahaa: in la xurmeeyo xuuuqda bini’aadamka, in uu xasaanad leeyahay muwaadinka, xorna u yahay hadalka, kulamada iyo in saxaafadda ay xor-noqoto aanna la xanibin. Ballan-qaadyadaas, dhammaan dowladdu waa ka soo bixiweydey.

Ciidamada dowladda ayaa weeraray siyaasiyiin mucaarad ah, ilaalana ka laayey, dowladdu waxay si soo noq-noqotay xisbiyada siyaasadeed uga horis-taagtay, xuquuqdooda dastuuriga ah (ee ah inay kulamo qabsan karaan), waxaa kale oo ay xakamaysay saxaafadda madaxa-bannaan iyada oo caadeysatey in ay qaado ol-ole baahsan oo is-gadid iyo barabagaan ah, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ay madaxa ka qabsato, shacab Alahood Alle yahay. Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre waxay argagixiso ku sheegeen muwaadin, una gacan geliyeen Itoobiya. Madaxweynahaaba, dhawaan, ku dhiiraday, in saxaafadda madaxa bannaan oo dowladdiisa dhaliisha uu ku tilmaamo, kuwa baahiya colaadaha. 

  1. Xoojinta Amniga Qaranka

Qodabka labaad ee heshiiskii Soomaalidu London ku gaartey, deeq bixiyayaashana ballan lagula galay, waxa uu ahaa in la xoojiyo amniga qaranka, dibna loo soo nooleeyo Golaha Amniga Qaranka, in dib loo dhiso ciidan qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban iyo in suggidda amniga iyo deegaanada la isku xiro, hoosna laga soo bilaabo dib-u-heshiisiinta iyo isku-xirka iyo hawl-gelinta shacabka ku nool degmooyinka iyo deegaanada, mashruucaas oo loo bixiyey Wadajir. Ilaa hadda, dowladdu kuma guulaysan inay hirgeliso Golaha Amniga Qaranka; waayo, qayb ahaan markii horeba kuma jacsanayn ama ma doonayn in ay fursad siiso ama xoojiso madaxda maamul-goboleedyada oo Golaha Amniga Qaranka xubno ka ahaa markii ay jirtey xukuumaddii tan ka horreysey, ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Golahaan Amniga Qaranka, waxaa loo qaabeeyey in uu ahaado, madal go’aamada siyaasadeed oo amniga khuseeya lagu gorfeeyo, go’aanna looga qaato. Waxaana sidaas loogu qaabeeyey, iyada oo la isla ogolaa, in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay dalka isla maamulaan, hannaanka federaalkana loo arkey, hawl socota oo aan weli caga-dhigan ah. Madaxweyne Farmaajo, Golaha Amniga Qaranka hal mar ayuu kulmiyey, ilaa intii uu shirkii London ka soo laabtay, is-qab-qabsi iyo is-qoonsi dhex yaalay isaga iyo madaxda gobolada ayaana qabsoomidda kulamo kale, caqabad ku noqday. Waase uu ku baaqay Madaxweynuhu, in uu qabsoomo kulanka Golaha Amniga Qaranka isaga oo magacaabay la taliyaha Amniga Qaranka, sameeyeyna xafiis, uu hormuud ka yahay hawl-wadeen sare, oo hawlaha amniga isku duwa.

Heshiiskii ahaa in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan, dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ballan-qaadeen in ay dhisayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka kooban 18 kun oo askari, shanta maamul-goboleedna laga keenayo midkiiba saddex kun oo askari. Ujeeddaduna waxay ahayd in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka qaranka oo hadda u badan mid Muqdisho laga dhisay. Deeq-bixiyayaashu, iyana, waxay ballan-qaadeen, in ay qalabeeyaan, mushaarna siiyaan ciidankaas qaran ee lagu dhan yahay, ama isku dhafan, intii dowladdu ay awoodayso in ay iyado mashaarkooda bixiso. Ciidankaas cusub, waxaa lagu tala galayey, in ay si toos ah u hoos yimaadaan wasaaradda gaashaandhiga ee dowladda federaalka, iyada oo wada-tashi la samaynaysa dowlad-goboleedyada markii ay baahi timaaddo. Qorshahaas soo jeedin ma soo dhaafin, fulinna uma gudbin.

Si guud marka loo eego, hirgelid la’aantiisa waxaa sabab u ahaa dib-u-heshiisiin la’aanta Soomaaliya ka jirta, iyo kalsooni-darada dagaalka sokeeye laga dhaxlay. Xildhibaanada qaar ayaa saluugay qorshihii lagu ballamay ee ahaa in dib-uhabayn lagu sameeyo ciidanka xoogga waxayna ku doodeen in tallaabadaas ay wiiqayso ciidanka hadda jira ee xoogga dalka iyo hawl-galada amni sugid ee ciidanka u socota. Dooddaas la galiyey isku dhafka iyo dib-u-habaynta ciidanka, waxayba qiil u noqotay (ay uga takhalusaan ballantaas) xukuumadda Farmaajo iyo Khayre oo aan awalba ku jacsanayn hannaanka federaalka, aaminsanaana in maamul-gobaleedyadu ay is barbar-yaac iyo doc-wareen ku ahaayeen dowladda Qaran ee ay iyagu gar-wadeenka ka yihiin.

Dhanka kale, dowladdu, waxa ay abaabushay ciidamo ay u bixisay Xasilinta, kuwaas oo la mucaaraday, lana tilmaamay in aysan hoos imaan haykalka ciidan ee dalka, gaar ahaan booliska iyo milateriga, laguna eedeeyey in ay u eg yihiin maleeshiyo. Kaddib doodo adag oo siyaasadeed, ciidankii ‘xasilinta’ waxaa lagu daray ciidanka booliska Muqdishu. Shirkii London waxaa lagu soo bandhigay in shanta sano oo soo socota, Soomaaliya loo abuurayo ciidan boolis ah oo dhan 50 kun.

Xaqiiqadiina, in badan oo amni darada Soomaaliya ah uma baahna ciidan milateri ah, wuxuuse dalku u baahan yahay sirdoon aqoon leh iyo ciidan boolis ah oo si fiican u tababaran, muwaadiniintana ku tiirsan, xiriirna la leh. Sida London lagu heshiiyey dowlad goboleedyadu iyaguna, booliskooda u gaarka ah ayay ahayd in ay samaystaan, maalna gashadaan. Qorshihii amni ee London lagu soo bandhigay lama hirgelin. Dowladdu waxa ayba sii kordhisay khalkhalkii hay’adaha amniga, kaddib markii ay marar badan, baddashey saraakiishii hoggaaminaysay laamaha amniga. Dhanka kalana, Al Shabaab waxa ay sii wadeen xasilooni daradii ay dalka ku hayeen, iyo falalkoodii argagixis, iyaga oo Muqdisho qaraxyo ku harqiyey. Waxaana ugu darnaa, qaraxyadii 14-kii October 2017-ka iyo kii 28 Febraayo 2019, oo boqolaal shacab ah lagu xasuuqay caasimadda, kaas oo astaan u noqday fashilka dowladda ee ballan-qaadkeedii ahaa in ay amniga sugayso, gaar ahaan caasimaddda. Ballan-qaadka ugu danbeeya ama saddexaad ee dhanka amniga waxa uu ahaa, in la hirgeliyo qorshaha Wadajir loo bixiyey ee nuxurkiisu ahaa in deegaanada, iyo degmooyinka, dib-u-heshiisiin laga hirgeliyo, dadka la isku xiro, maamulka la wanaajiyo si amniga dadku wax uga sugtaan. Qorshii Wadjir, marka laga reebo laba degmo oo ka hirgalay Koofur-galbeed iyo kulama badan, wax badan kama fulin isaga oo eersaday, is-afgaranwaaga iyo xafiiltanka, dowladda federaalka iyo maamulgoboeedyada.

  1. Dib-u-soo-Kabashada Dhaqaale

Heshiiska kale ee London lagu gaarey, ee ballanqaadka dowladda Farmaajo ahaa, wuxuu ku saabsanaa soo kabashada dhaqaale, waxa uuna ka koobnaa afar tubood: b) dhaafidda deynta iyo xiriir la soo ceshiga hay’adaha dhaqaalaha adduunka, t) kor u qaadidda dekhliga gudaha, j) hirgelinta qorshaha horumarka qaran ee jiray iyo diyaarinta midka xiga, x) si masuuliyad wadata uga faa’iideysiga iyo u maamulidda khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ballan-qaadkaan kobcinta dhaqaalaha ayaa ah ballanta ay dowladda Madaxweyne Farmaajo guulaha ugu badan ka gaartey. Kow, waxay dar-dar gelisay hannaanka Soomaaliya deynta looga dhaafayo. Labada sano gudahood, dowladda waxay ku guulaysatey in ay ka baramoosto heerkii saddexaad kormeer ay Hay’adda Lacagta Adduunku ku haysey hannaanka maamul-dhaqaale ee dowladda. Hannaankan oo loo soo gaabiyo SMP ee kormeerka iyo korjoogteynta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waa hannaan farsamo oo IMF ay tashiilka iyo isku-tashiga ku jarabarto dalalka saboolnimada la daalaadhacaya. Waxaa intaa weheliya in xukuumaddu kasbatay kalsoonida.

Midowga Yurub, taas oo hadda markii ugu horreeyey muddo dheer kaddib, dowladda Soomaaliya, u bilowday kabid miisaaniyadeed. Taas waa guul weyn, oo xukuumadda ku gaartey muddo gaaban. Waxay kaloo dowladdu qarka u saran tahay in ay deyn ka hesho Bangiga Adduunka.

Tubta dowladda oo ahaa in ay kordhiso dekhliga gudaha, labadii sano oo la soo dhaafay waxay ku guulaysatey in 15 ilaa 20 boqolkiiba kor u qaaddo dakhligeeda, guud ahaanna tobankii sano oo la soo dhaafay dekhliga dawladihii Soomaaliya oo dhan kor buu u socdey. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Farmaajo iyo Khayre, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda waxay ku guulaysatey in ay dadka si daah-furnaan leh ugu soo bandhigto, ilaha dekhliga, wayna ku ammaanan yihiin, inay miisaaniyaddii oo idil internetka soo dhigeen, oo qof kastaa daalacan karo. Xukuumaddu way ku dadaashay in ay hirgeliso barnaamijyada ku tibaaxan Qorshaha Horumainta Qaran ee 2017-2019, oo ah kii ugu horreeyey muddo 30 sano ah, waxayna si joogto ah, bil kasta, u qabanaysey, shir wadajir ah oo dowladda iyo deeqbixiyayaasha ay wada-joogaan, ee loo yaqaan SDRF, kaas oo mashaariicda Qorshaha Horumarka Qaran lagu maal-geliyo, lagana kormeero. Uma ayan suurto gelin dowladda, in ay hirgeliso dhammaan barnaamijta Qorshaha Horumarka Qaran, maaddaama ay is badallo badan lagu sameeyey wasaaradaha iyo hawlwadeenada sare. Waxaa kale oo gaabiska sabab u ahaa, hannaanka SDRF ee lagu maal geliyo qorshayaasha qaran oo ah mid aan si fudud wax uga dhammaan, isku aaddin badan looga baahan yahay, dhaqaalaha la qoondeeyeyiy iyo qorshayaasha qaran. Waxa kale oo xukuumaddu ay ku ammaanan tahay, in ay gudagashay diyaarinta wejiga lababaad ee mashruuca Qorshaha Horumarka Qaran, ayna waddo-tashiyo la waddo daneeyayaasha, sida maamul-goboleedyada iyo bulshada rayadka.

Ballan-qaadka afraad uguna danbeeya tubtaan, wuxuu diiradda saarayey, si mas’uuliyad wadata uga faa’iideysiga iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Dowladda Farmaajo iyo Khayre si degdeg wadata, khataro badan ku giddaaman yihiin, ayay ugu haliilaysaa, in ay suuq-geyso oo xaraashto, shidaalka badda iyo xeebaha Soomaaliya ku jira. In Ra’iisul Wasaaruhu madax ka ahaan jirey, waxna ku lahaa Soma Oil, oo ah shirkad taariikh dhow, tuhunno badan dusha laga saaray oo kaliya ayaa ku filan, in laga welwelo, heshiisyada dowladda iyo shirkadaha shidaalka.

Dowladdu kuma guulaysan in ay dadka Soomaaliyeed ku qanciso sababta ay ugu fara-baxsanayso, in ay soo bandhigto xogta badda Soomaaliyeed ay ka soo uruurisay Soma Oil, ayna suuqgeyneyso shirkadda Spectrum SA, (oo qudheedu ah, shirkad lagu eedeeyey in ay bixinaysay meshaarada shaqaalaha Wasaaradda Batroolka), shirkaddaas oo weliba iyada sida la sheegay, qaar ka mid ah dhul-badeedka ay sahmisey loo ogolaaday in ay shidaal ka baarto – taas qudheeda oo ah arrin shaki kale dhalinaysa ayna ka muuqato irmaan-waraabsi.

Xukuumaddu, in kasta oo ay hadal-hayn badan ka waddo la dagaalanka musuqa, kuna dooddo in ay daah-furnaan ku shaqaynayso, haddana, hannaanka dowladdu u gacmo-gacmaynayo shidaalka, waxaa hareeyey hulaab-naan badan, waxaana ka muuqda, waxna aan qalanno midiyahana aan qarsanno (conflict of interest). Mashruuca shidaalka waxa uu noqday bar-madow oo dul saran sumcadda xukuumadda Farmaajo, taas oo laga rabey in ay noqoto waardiyaha khayraadka dadka Soomaaliyeed, ‘wax kasta waa okay-da’ madaxweyne Faramaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayrana, waa mid dad badan, aanay ku qancin, ayna uga jawaabaan, aallatahay.

Baaridda iyo suuqgeynta/xaraashka shidaalka oo deg-deg iyo ku-danaysi lagu galo, waddamo badan oo colaad ka soo doogey ayuu xasraddo hor leh u keenay. Haddaba, iyada oo laga duulayo mabda’ ah ‘ha uga darin’ doodaha hadda laga wado baaritaanka / suuqgeynta / xaraashka shidaalka Soomaaliya, waa kuwo loo bahan yahay, haddii rajo laga qabo in Soomaaliya ay si dan-guud ah, danaysina ka fog, masuuliyadna wadata ay u maarayso khayraadkeeda. Xataa qandaraaska la siiyey shirkadda Shiinaha ee kalluunka biyaha Soomaaliya kala baxaysa, ayaa iyana keenaysa wel-wel, su’aalna dulsaaraya beecaas, waayo halka milyan oo dollar ee la yiri, dowladda ayaa helaysa, wuxuu u eg yahay san-dareerto, marka loo barbardhigo, kaluunka ay gurayaan shirkadda Shiinayska ah.

Gunaanad iyo soojeedin

Dowladda Farmaajo iyo Khayre oo haysatey afarta sano, haddii la qiimeeyo labadii sano ee hore, iyada oo la kaashanayo wixii ay shirka London ku ballan-qaadday, waxaa muuqanaysa in ay aad uga gaabisay wixii laga sugayey. Xukuumaddu, waxa ay si xariifnimo ku jirto, u isticmaashay saxaafadda iyo baraha bulshada, si ay u baahiso aragti qurux badan oo waxqabadkeeda ah, laakiin, qiimayn-teennaan, waxa ay muujinaysaa, hadday u badato, yoolalkii ay degsatay xukuumaddu, in afar-meelood hal meel uun ay gaartey. Weliba, waxaan tix-geliney, in xukuumaddu ay daruufo adag ku shaqeyneysay, taas awgeed ayaana guulaha qaarkood sida kuwa dhaqaalaha dhibco dheeri ah ugu darnay.

Haddii la doonayo in labada sano oo soo socota ay dhaanto labadii tagtey, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre, waxa ay u baahan yihiin, in ay dib-u-eegaan, dul istaagaanna ballan-qaadyadoodii aasaasiga ahaa, gaar ahaan, kuwa ku saabsanaa, yagleelidda siyaasad lagu dhan yahay oo xasilan. Haddii xukuumaddu aysan ka shaqayn in ay abuurto, wadaroggol ballaaran oo ay ku dhan yihiin daneeyayaasha siyaasadda sida maamul-goboleedyada, xisbiyada mucaaradka ah, ganacsatada iyo bulshada rayadka ah, xukuumadda uma suurta galeyso in ay meel micna leh gaarto, gaar ahaan arrimaha ahmiyadda weyn leh welina qabyada ah: gaar ahaan, xal-u-helidda amni-darada, dhammays-tirka dastuurka iyo isku afgarashada hannaanka doorashada ee 2020-ka. Haddii ay dowladdu ku fashilanto in ay siyaasadda xasiliso, waxaa dabraya hagrashada iyo hoosaasinta xoogagga ka soo horjeeda, oo fashilkeeda guul ka dhex arka. Haddii Xukuumadda Farmaajo ay labada sano oo u hartay ku guulaysato in ay guul ka keento arrimaha ay ka gaabisay, waxaa u suurto geli karta, in ay dadka ku qanciso in dib loo doorto. Haddiise waqtigu ka dhammaado iyada oo aan hawlihii ay ballan-qaadday hirgelin, inay fursad kale heshaa waxay noqon kartaa mid aan fududayn. Sidaas darteed, waxaan kula talinaynaa:

  1. In Madaxweyne Farmaajo uu u isticmaalo shirka soo socda oo uu la leeyahay madaxda maamul-goboleedyada mid uu ku laba kacleeyo, xiriiradii xumaaday uu ku wanaajiyo, uuna abuuro wadashaqayn waddar-ogol ah oo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay isku talo ku hawl-galaan; kuwa madaxweynaha kula talinaya in isku-tanasulku aanu isaga dan u ahayn ama ay wiiqayso, waxay u horseedayaan oo kaliya, in uu fashilo.
  2. Madaxweynuhu waa in uu si niyad ah ugu casuumo madaxda xisbiyada mucaaradka, madatasha qaran ee Garowe loogu ballansan yahay, si looga arrinsado hawlaha qabyada ah, ahmiyadda gaarka ahna leh: sida dhammaystirka dastuurka iyo ka heshiinta hannaanka doorasho ee uu dalku qaadanayo 2020-ka. In dowladdu sii waddo fara-ku-fiiqfiiqa mucaaradka iyo guul-guul-ka saxaafadda xorta ah iyo bulshada rayadka mahan oo kaliya mid faa’iido la’aan ah, waxayse ku dhammaanaysaa oo keliya wadda isa soo xiraysa.
  3. Madaxweyne Farmaajo waa in uu dib u abaabulaa Golaha Amniga Qaranka, una adeegsadaa madal lagu gorfeeyo, laguna dejiyo qorshihii Al Shabaab looga adkaan lahaa. Waayo, taas ayaa lagu gaari karaa, in xal loo helo, amni darada baahdey ee dalka iyo xasuuqa ku socda shacabka caasimadda, kuwaas oo canshuurta laga qaado ay xoolo u yihiin xukuumadda Farmaajo. Xoogga ay geliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre xayeysiinta xukuumadooda, waa in ay u jeheeyaan sidii looga takhalusi lahaa xubnaha Al Shabaab ee aan soonoqoshada lahayn, iyaga oo Al Shabaab-ka caymada leh, ugu baaqaya wadahadal. Ka gaabiska ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ka gaabisay in ay diiradda saarto Al Shabaab, naf iyo maalna duldhigaan, ayaa sabab u ah in ay kooxdani weli si weyn Soomaaliya uga calan-wallaynayso.
  4. Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida shidaalka oo ka dhexeeya jiilkaan hadda nool iyo jiilalka danbe, waxaa maarayn kara oo kaliya, dowlad ay ku soo doorteen dadka Soomaaliyeed doorasho xor iyo xalaal ah. Xitaa markaas, inta aan shirkado ajaanib ah dhaxalka dadka Soomaaliyeed gacanta loo gelin, waxaa daruuri ah inay diyaar yihiin aqoontii, sharcigii iyo hannaankii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka, oo shidaalku ugu horreeyo. Madaxweyne-Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waa in ay ka waantoobaan gacmamacmaynta shidaalka iyo khayraadka kale ee istaraatiijigga ah ee Soomaaliya, maaddaama aysan idan ka haysan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynuhuna waa inuu ogaado, in aan marna laga rumaysanayn, musuq-maasuq ayaan la dagaalamayaa, inta xukuumadiisa (iyo ajaanib ku-daaban, ay dalaal iyo malaal ka yihiin shidaalka Soomaaliya, seyladaha adduunkana ay ka beecinayaan. Shacab weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan, kana shisheeyaan dhaqanka indha-sarcaadka u eg, ee dowladda.
  1. Dhinaca qaabka ay u dhacayso doorashada 2020-ka, xukuumaddu waa in ay runta u soo daadegto, shacabkana la wadaagto caqabadaha hortaagan in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka. Waana in ay soo bandhigaan sida caqabadaas looga gudbi karo; waxay u badan tahay 2020-ka, in aan la gaarin doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, waxaase daruuri ah in ay dhacdo doorasho aan dib uga dhicin waqtigeeda, ka xor ah ku-shubasho iyo musuq, nabad-gelyana ku dhacda.
  2. Si loo xoojiyo dib-u-heshiisiinta, Madaxweynuhu waa inuu u hawl-geliyaa Golaha Amniga Qaranka, sidii loola heshiin lahaa Somaliland, waana in Golaha Amniga Qaranku ku baaqaan wadahadal niyad ah; xukuumaddu waa inay bedesho siyaasadeeda ku liqdaarnaanta Somaliland, kana hor-leexato wixii mucaawino iyo kaalmo horumarineed ee adduunku Somaliland siinayo. Madaxweynuhu waa in uu raalli gelin buuxda dadka Somaliland ka siiyo gabood falkii ballaarnaa ee ay u geysteen dowladdii Soomaaliya ee milateriga ahayd.
  3. Dhanka xiriirka arrimaha dibadda, Madaxweyne Farmaajo waa in uu u istaago in uu wanaajiyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya saaxiibadeeda soo jireenka ah gaar ahaan Qaramada Midoobey. Madaxweynuhu waa in uu maanka ku hayo in aan qaranka lagu dhisi karin, meel soke oo wax laga eego iyo fursado waqti kooban oo markaas surin looga baxayo, balse qaran, gaar ahaan dal, sida Soomaaliya oo kale u nugul, bur-burna ka soo kabanaya in ay lama maarmaan u yihiin dhisiddiisa: sumcad, furcaddaan iyo si caadifad la’aan ah oo loo qiimeeyo danaha qaranka.

Hadalsame Media