Maxaad ka taqaan shirkadaha calooshood u shaqaystayaalka ah ee ka howlgala Muqdisho?!

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2019 – Waxaa jira shirkado ajnabi ah oo iskood uga shaqeeya amaanka oo jooga Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xarunta taliska ciidanka Amisom ee Xalane waxaa degan oo ay saldhig u tahay shirkado badan oo sameeya waxyaabo kala duwan balse arinta walaaca keeni karta ayaa ah kuwa amaanka ka shaqeeya ee hubka iyo lacagta heysta cida koontarooli karta waxa ay sameeyaan.

Shirkadahan waxaa ka mid ah Blackwater oo iminka magaca badalatay oo la baxday FSG, Bancroft iyo Hart.

Hart

Shitkadaan waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ka shaqeyneysay ilaa 2014 islamarkaana ay heysato ruqsad buuxda oo ay siisay doowlada soomaaliya taas oo ay kaga shaqeyn karto garoonka Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Barta Internetka ee shirkada waxaa ku qoran adeegyada ay fuliyeen oo ay ka mid yihiin ilaalinta goobaha Sida dhismo yaasha hadii aad dooneyso iyo waardiyaha gaarka ah dadka ilaaliya.

Bancroft

Shirkadaan waxa ay la koowsatay ciidanka Amisom imaanshahoodii soomaaliya waxa ayna leedahay deegaan la seexdo iyo ilaalo dhanka amaanka ah.

Sanadkii 2011 ayaa jariirada New York Times daabacday in shirkadani ay Soomaaliya geysay calooshood u shaqeystayaal qaarkood denbiyo galeen sida afganbiyo ka dhacay Afrika.

Shirkadaan ayaa la sheegay in ay u shaqeeyaan ilaa 40 calooshood maalayaal ah. Micheal Stock oo madax ka ah ayaa beeniyay arintaasi.

Blackwater

Shirkadaan oo aan sumacd wanaagsan la heyn islamarkaana gabood falyo ay ciidamadeedu ka geysteen Ciraaq ayaa iminka magaca badalatay waxaana ay la baxday FSG

Waxa ay ka mid tahay shirkadaha amaanka ka shaqeeya ee jooga soomaaliya waxaana Muqdisho ka sokoow ay ka shaqeeyaan doowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sanadkii 2017 ayaa madaxa shirkadaan Eric Prince wuxuu heshiis dhanka amaanka ah la saxiixday Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media