FAALLO: Ma u qaab egnahay qoom dib u quseeynaya* qaran jabay?!!

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2019 – Dalka Somalia waa dal burbursanaa ama burbur ku socdey muddo 40 sanadood ah iminka, yeelkeede, waloow ay badan tahay hadal haynta ku saabsan in dib loosoo celiyo nidaam shaqaynaya oo uu dalku yeesho si loo ilaaliyo danta guud ee umadda Soomaaliyeed, misna waxaan muuqanin jidkii iyo rabitaankii taa lagu gaari lahaa.

DHANKA SIYAASADDA

Marka aad si guud u eegto DF iyo maamullada labaduba waxay ka siman yihiin inay ka kooban yihiin laba qaybood:

QOLO XILKA HAYSA

Qoladan xilligaa kursiga ku dangiigta waxay dadaalkeeda iskugu gaysaa ruwaayado ay shacabka ku madadaalinayso sida wax lagu sheegayo ”bandhigyo waxqabad” oo la isku sawiro ama xaflado kharash badan oo aan dalkiiba ka bixin karin qabashadooda lagu khasiro.

Waxaan isla maanta arkayay wasiir ag taagnaa doomo yar yar oo saxiimado ah oo la yiraahdo ”waa ciidamo gaar ah oo Muqdisho loo sameeyay”, beri sii horreeysay waxaan arkayay laba ka mid ah mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeysa oo iskugu yimid inay isla arkaan xafiis uu midkood leeyahay oo ”Naqshad cusub loo dhisay” Cajiib!!

Waxaan tirsi lahayn safarrada bilaa micnaha ah ee bari iyo galbeed ka galaa baxa balse aysan muuqanin waxa lagusoo xasiliyo, waxaa dheer, cawaysyada heesaha amaanta ah laga qaado, qado sharaf, casho sharaf, qosol sharaf, sii dhowayn iyo sii dhowayn waqti dhumis iyo kharash dhamays kulansaday.

Ma muuqato dowladdii iyo maamulkii u xaydan lahaa sida loo xallinayo kunka mashaqo ee maanta mujtamaca iyo dalka hor taagan ee u baahan istaraatijiyado waxbarasho, wacyi gelin, dhaqaale iyo shaqo abuuris, dib u heshiisiin iyo isu dumid.

Qoladani xitaa kama fikiraan inay horta wax isku toosiyaan inta aysan soo noqosho berri ah, waxbaa qabyo ah iyo is muujin waqti badan ku dhumin, inta goor goor tahay.

QOLO XILKA U HALIILAYSA

2 – Mucaaradka markaa bannaanka fadhiya ayaa iyaguna caqabad kale ku ah inuu dalku muwaafaqo yeesho, waxay ku dhaqmaan siyaasad loo yaqaanno ”NIIC POLITIQUE, ANNA WAYKAN iyo ALLOOW NA GUB!”, ujeedkoodu waa inay qayliyaan intii tabartood ah, balse isma waydiiyaan in dadka ay la hadlayaan ay ku jiraan dad waxgarad ah xitaa haddii ay sufaho badani u sacbiso, sabab kastaba haku xambaartee.

Seddax ayaa muhim ah in mucaarid yeesho, marka hore waa inuu isagu nadiif yahay oo uu leeyahay sooyaal sugan (positve track record), si ay toosintiisu qiime u yeelato. Marka xiga waa inuu dhaliisha ku daraa talo loo wada jeedo inay moowduuci tahay oo aan laga dhadhansanaynin inuu dantii raac yahay.

Marka 3-aad waa inuu dowladda markaa jirta ku taageeraa wixii dan qaran ah sida marka ay is hayaan awoodo shisheeye, si ka duwan sida iminka dhacda oo ay la saftaan cid kasta oo xitaa doonaysa inay Somalia nolosha ku liqdo, taasi mucaarad kaa dhigi maysee waxay caddaynaysaa inaad tahay KHAA’INUL WADDAN. Qoladani xitaa kama fikiraan inay hambaystaan dal ay berri xukumaan.

SHACAB HABOWSAN

Shacabku waa qolo ka siman inay u wada dhacan yihiin labada qolo ee aan sare kusoo sheegay, balse maba moodid inay iyagu yihiin ariga xerada ku oodan ee hilibkiisa la uumiteeynayo.

Waxay qayb ka yihiin ruwaayadda ”ALLOOW NA GUB!” oo ay doorka ugu wayn ka ciyaaraan, waxaa mar la ii sheegay in nin ku sugan gobol ka mid ah Somalia uu aad ugu ololeeyay inay dagaallamaan laba nin oo degaankiisa isku hayay, balse markii uu dagaalku bilowday maalintii 1-aadba waxaa MADFAC ku habsadey gurigii ninkaasi, waxaana halkaa ku dhintay carruurtiisii badankood, xaaskiisii iyo ehelo kale, kaaga darane waxaa madfacaasi ridey ciidamada ninkii ay isaga is xigeen.

Maantadan la joogo inta badan caqliyadda shacabku isma bedelin, cindigoodu ma waynaan, caqligoodu ma korin, wacyigu ma bislaan, wuxuu iskala duuban yahay mid loo sheegay inay isku beel yihiin, wuxuu iskala dagaalsan yahay mid kale oo loo sheegay inuu ka durugsan yahay, balse maxaa dan ah abidkii isa waydiiyo?

GUNAANAD – Waxaan ka simanahay inaan dalal iyo duulal kale ku eedayno fashilka aan annagu 3-da kaalimood ee hore uga jirno ee ina haysta, balse marna arki maysid Soomaali oo inta mas’uuliyadeeda iyo eedeeda qaadatay dabaqaysa siyaasad iyo caqliyad cusub oo lagu saxo khaladka jira.

Tusaale ahaan, qof kasta oo Soomaali ihi wuxuu doonayaa inuu cadkiisa ceeriinka lagu siiyo, oo uu mushahar fara badan QM uga qaato inuu u shaqaynayo Wasaarad Soomaaliyeed, ma jiro caqli ku aaddan ilaa intee ayay QM bixin doontaa mushaharka aad qaadanayso, waxaana kuwa tusaalahaa xun dhigaya ugu horreeya xildhibaannadii la doonayay inay mushahaaharaadkooda dhimaan si mashaariic kale loogu qabto ama ciidamada loogu kabo.

Qiyaas haddii ay maanta dunidu naga tagto maxaa qorshe ah maxaa se noo diyaarsan?

Ugu dambayn waxaa muuqata in afka wax laga sheegaya uurkuna uu jiho kale aaddan yahay, laakiin dal sida Somalia oo kale u dumey wuxuu u baahan yahay AF IYO ADDIN is aaddan, sida aannu hadda wax ku wadno waa ruwaayad waarikoow ah mana soconayso, weliba sida dal dumey lagu dabiibo haddii la doonayo waxaa jira mid isla gobolkeenna ku yaalla, Rwanda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

*Quseeyn waxaa loo isticmaalaa qaabka loo simo dhirta jardiinooyinka, iyadoo la adeegsanayo maqas ama kelbad gaar ah oo loogu tala galay

Hadalsame Media