”Bixi mayno!!” 600,000 oo saxiix oo ka horjeeda in UK ka baxdo Midowga Yurub oo la diyaariyay! (Baarlamanka oo eegi kara)

0

(London) 21 Maarso 2019 – In ka badan 600,000 oo qofood ayaa saxiixay petition cusub oo ay dowladda UK uga dalbanayaan inay kasii mid ahaato Ururka Midowga Yurub.

Tirada dadka saxiixay barwadan oo ay abuurtay Margaret Anne Georgiadou ayaa si aan caadi ahayn u kordhaysa, iyadoo 1,000 qof ku gaartey hal daqiiqo.

“Dowladdu waxay ku celcelisaa in ka bixitaanka Yurub uu yahay rabitaanka shacabka, marka waxaan u baahan nahay inaan muujinnayo waxay ay shacabku doonayaan, horay codba uma dhicine hadda codee,” ayay tiri Georgiadou.

“Revoke Article 50” waa waa halku dheg aad uga dhex muuqda Twitter-da UK iyo dunida, iyadoo sidoo kale lagu faafinayo mareegta petition-ka.

Baarlamanka dhexe ee Britain, ayaa caadiyan ka baaraan dega haddiu uu petition-ku gaaro 100,000 oo saxiix.

Hadalsame Media