KALA WAREEG!” Laba Miig oo uu Ruushku leeyahay oo cashar u dhigay B-52 Maraykanku leeyahay! (Daawo)

0

(Moscow) 21 Maarso 2019 – Ciidamada Cirka Ruushanka ayaa laba miig oo ah Su-27 ku dalbaday dayuurad ay leeyihiin dhiggooda Maraykanka oo ah nooca wax bam gareeya ee B-52H Stratofortress.

Dayuuradahan ayaa isku helay biyaha caalamiga ah ee Badda  Baltic Sea, waxaana muuqaal arrintan ku saabsan faafiyay ciidamada Ruushka, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga.

Muuqaalka waxaa laga arkayaa dayuuradda B-52 oo ah nooc xambaarsan gantaalaha leh madaxyada nukliyeerka oo inta raadeerka laga arkay kaddib loo diray laba miig oo Su-27 ah.

Dayuuradda Maraykanka ayaa lagu khasbay inay bedesho khadkii ay ku socotey, waxaana muuqaalka laga arki karaa dayuuradda sameeysa duqaymaha istaraatijiga ah oo laga duubayo shirka mid ka mid ah miigagga, iyadoo ka weecatay jihada Ruushka, kaddibna labada miig ay ku laabtay saldhiggii ay ka keceen.

Hadalsame Media