Haweenka NZ oo berri QAMAAR wada qaadanaya si hiillo loogu muujiyo Muslimiinta + Sawirro

0

(Wellington) 21 Maarso 2019 – Dadka New Zealanders-ka ah ayaa lagu boorriyay inay berri oo Jimce ah QAMAAR iyo madax dabool wada qaataan si ay taageero ugu muujiyaan dadka Muslimiinta ah, hal todobaad uun kaddib weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masaajidda Christchurch oo lagu laayay 50 qof.

Dhowr kooxood ayaa waxyaabo kala duwan u diyaarinaya Jimcaha berri Maarso 22, iyadoo dhamaanba dadka Kiwis-ka ah diin kasta oo ay haystaan lagu casuumey inay muujiyaan hiillo iyo midnimo.

Koox la magac baxday ‘Jimcaha Xiro Qamaar’ (Wear a Headscarf Friday) oo ka mid ah haweenka deggan magaalada Christchurch ayaa waxaa soo dhoweeysey Jamciyadda Muslimiinta New Zealand.

Koox kale ayaa bilowday hashtag la yiraahdo #headscarfforharmony ayaa iyaguna sheegay inay doonayaan inay dhiirri geliyaan haweenka Muslimka ah ee ka baqanaya inay bannaanka u baxaan kaddib hororkii Jimcaha weeraray masaajidda.

Kumannaan qof ayaa Facebook ku muujiyay inay arrintan xiisaynayaan.

Hadalsame Media