DF Somalia & Ciidamada midkoodna ma xeerin xasaasiyadda xasaradda amaan ee ka dhalatay doodda mushaarka! (Arag khaladka dhacay)

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2019 – Waxaa beryahan soconaya wax lagu sheegay ”ciidamo mushahar la’aan la gadoodsan”, taasoo keentay inay kasoo baxaan furumihii ay difaaca uga jireen.

Yeelkeede, hal arrin ayaa kasoo dhex baxday sida guud ahaanba arrintan loo wajahey marka wax laga eego dhanka DF iyo dhanka ciidamada laftooda.

DF OO QAADDAY TILLAABO DAAHSAN

DF Somalia, gaar ahaan madaxda sare ee iminka xilka haya si kasta oo uu ujeedkoodu xitaa u saxan yahay, waxaa khaldan farsamadooda.

Sababtu waxay tahay in tillaabo daahsan tahay in 2 sano iyo wax la jira kaddib la yiraahdo waxaa la diiwaan gelinayaa ciidamadii, taasi waa tillaabo ku haboonayd bishii 1 ilaa 5-aad ee sanadkeedii 1-aad.

Waxaa sii dheer in ay muddo dheer kahor sheegayeen inay bilaabeen dib u habaynta ciidamada qalabka sida, inagoo ka maqalnay inay koontooyin u sameeyeen ciidamada, sidaa daraadeed khaladkoodu ma aha shaqada ay qabanayaan ee waa waqtiga ay qabanayaan oo dib dhacsan.

Waxaa sidoo kale DF Somalia ka muuqata inaysan si wanaagsan u miisaamin xasaasiyadda amaan ee ay arrintani leedahay, haddii uu jiro askari lacag qaata isagoo aan shaqa tegin sida ay dad badani qireen, iyada ayaa mar hore laga rabey maamulkii iyo xisaabtankii dhaqankaa lagu joojin lahaa, laakiin ma aha in tillaabooyinkaa loo hirgeliyo qaab cashwaa’i ah oo is dardarsan, iyadoo laga fiirsanayo dhibka ka iman kara, iyadoo ay arrinta ka faa’iidaysan karaan dhinacyo 3-aad.

XASAASIYADDA ARRINTAN OO AAN LA XEERIN

Marka la eego xaaladda amaan ee uu dalku ku jiro waxay ahayd inay madaxda ciidamada ka muuqato mas’uuliyad iyo wacyi aad u qodan oo ay ku gartaan muhiimadda howsha ay hayaan iyo halista amaan ee ka dhalanaysa haddii ay banneeyaan goobaha ay joogaan.

Askarigu wuxuu xaq u leeyahay in uu helo mushahar weliba ka roon midka uu hadda ku shaqeeyo, balse dad badan oo waxgarad ah ayaa qaba inaysan marna sax ahayn in la isku xiro mushaharka ciidamada iyo howsha adag ee uu hayo askariga Soomaaliyeed.

Taa micneheedu ma aha inuu askarigu xaqiisa ka tanaasulo, balse isaga oo aagga kasoo bixin ayuu cabashadiisa marsiin karaa hilinnada ku habboon si uu xuquuqdiisa u helo isagoo aan mas’uuliyaddiisa dayicin.

Isku soo duuboo waa in ay ciidamadu muujiyaan inay yihiin kuwo u qalma magaca ”Ciidan Qaran” oo ay noqdaan kuwo leh hab-raacii iyo dishibiliinkii ciidan lagu yaqaanney, sidoo kale DF Somalia waa inay ogaataa inay iyada u noqonayaan wixii maamul ahaan khaldama, waayo iyada ayaa laga rabaa qorshihii lagu samayn lahaa ciidamo leh tayooyinka aan soo sheegnay oo mas’uuliyadda 1-aad waxay saaran tahay DF.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media